Sunday, August 26, 2007

Xisbiga KULMIYE oo cayimay wakhtiga uu qabsoomayo Shirweynihiisa labaad

(Waridaad) - Hargeysa – Shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE ayaa la muddeeyey inuu qabsoomo 8da bisha September; iyaga oo 30ka bishana la filayo inay ku soo xeroodaan caasimadda Hargeysa ergooyinka gobolada iyo Qurbajoogga KULMIYE ee ka qaybgelaya Shirweynaha.

Si rasmi ah xisbigu uma faafin go'aankan, hase yeeshee, guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Shirweynaha labaad ee Xisbiga, Mr. Axmed Muxumad Madar ayaa Somaliland.org u xaqiijiyey in xisbigu isku raacay in 8da bisha September aanu ka dambayn Shirweynaha xisbigu.
Shirweynaha xisbiga oo ay ka qaybgelayaan in kabadan 300 oo Ergey ayaa lagu dooran doonaan Golaha Dhexe ee Xisbiga, isla markaana lagu ansixin doonaa Dastuurka xisbiga.

Go'aankani waxa uu soo afjarayaa jiitan iyo dib u dhacyo dhawr goor ku yimi qabashada shirweynaha xisbiga oo qabanqaabadiisu socotey dhawrkii bilood ee u dambeeyey.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

E-mail: dubad@Somaliland.com

No comments: