Wednesday, August 29, 2007

Shirguddoonka Guurtida oo laba xubnood oo cusub u magacaabay Komishanka Doorashooyinka

(Waridaad) - Shirguddoonka Golaha Guurtida ayaa magacaabay laba xubnood oo ka mid noqonaya Komishanka Doorashooyinka Qaran, kadib markii Golaha Wakiilladu mar kale diidey labadii xubnood ee komishanka ee hore golaha uga waayey codka kalsoonida.

Sida uu xaqiijiyey Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Golaha Guurtida, ahna kusimaha Guddoomiyaha Guurtida, mudane Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, Shirguddoonka Guurtidu waxa uu magacaabay, una gudbiyey Madaxweyne Riyaale; Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar (Looshade) oo ka soo kala jeeda labada Gobol ee Awdal iyo Bariga Sanaag oo ah labada deegaan ee ay ka soo kala jeedeen labadii xubnood ee kalsoonida ka waayey golaha Wakiillada.

Magacaabista labadan xubnood waxay ka dambeysey, kadib markii Fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wakiilladu yeeshay Axaddii uu cod u qaaday ansixinta labadii xubnood ee Komishanka ee hore golaha kalsoonida uga waayey, kuwaas oo Golaha Guurtidu mar kale dib u soo magacaabay, isla markaana ay mar kale waayeen codkii ay ku ansixi lahaayeen.

Madaxweyne Riyaale ayaa la sheegay in uu Isniintii u qoray Guurtida inay soo magacaabaan laba xubnood oo kale.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

dubad@Somaliland.com

1 comment:

Rooble Mohamed said...

Good development. I hope those pariamentarians will accept them this time or no elections at all.