Tuesday, August 07, 2007

Madaxweyne Riyaale oo Kalfadhi aan caadi ahayn oo degdeg ah isugu yeedhay Golaha Wakiillada

(Waridaad) - Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa isugu yeedhay Golaha Wakiillada, kalfadhi aan caadi ahayn.

Warkan oo caawa – goor caweysin dambe ah – ka soo baxay Madaxtooyada, waxa uu Madaxweynuhu ka dalbaday Golaha Wakiillada oo hadda ku jira fasaxoodii caadiga ahaa inay isugu yimaaddaan muddo toddobaad gudihii ah oo ka bilaabmaysa maanta.

Warka isugu yeedhidda Golaha oo ku soo baxay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge, waxa uu u qoran yahay sidan:

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , isagoo Cuskanaya Qodobka 46 aad Faqradiisalabaad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland , ee awooda usiinaya in Sharcigau u ogol yahay in Fadhi deg deg ah uu isugu yeedhoi karo Golaha Wakiilada Marka arrimo deg deg ahi ay Dalka lasoo
gudboonaadaan.Madaxweynuhu isagoo tixgelinaya la tashi badan oo uu la yeeshay waxgaradka iyo aqoonyahanada iyo ciddii wal oo danaynaysay danaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si qadarin iyo mudnaan mudan uga codsaday in Golaha Wakiiladu ay fadhi deg deg ah isugu yimaadaan kana hadli doonaan arrimo muhiima oo aan sugi karin inta ay ka soo noqonayaan Fasaxooda , kuwaasi oo ay ka mid yihiin :

1) Dhamaystirka Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka , taas oo lagama maarmaan u ah Geedi Socodka Doorashooyinka Qaranka oo wakhti koobani ka hadhsan yahay.

2) Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2007 oo utaalla Golaha Wakiiladda in ay si deg deg ah goaan uga gaadhaan , iyadoo Miisaaniyadaasi ay ku jirto tii Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Fooda inagu soo haysa .Madaxweynuhu Waxa uu Golaha Wakiiladda ka Codsaday in Fadhigaasi si deg deg ah isugu yimaadaan Muddo Todobaada Gudaheed ah , laga bilaabo maanta".

Go'aankan isugu yeedhidda golaha Wakiillada, ayaa waxa uu soo baxay laba maalmood kadib, markii Golaha Guurtidu xidhay Kalfadhi aan caadi ahayn oo uu Guddoomiyaha Golahaasi, mudane Saleebaan isugu yeedhay Golaha 18kii July, isla markaana ay ansixiyeen go'aan laba qodob ah oo Shirguddoonku soo hordhigay golaha, kadib markii ay guuldarraysteen wadahadallo ay la yeesheen Shirguddoonka Wakiillada oo lagaga wadahadlayey xallinta khilaafaadka Golayaasha, gaar ahaan, arrinta Miisaaniyadda iyo labada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka.

Waxana uu golahaasi isku raacay in ay dib u soo magacaaban labadii xubnood ee Komishanka ee Golaha Wakiilladu soo celiyey iyo in khilaafaadka ka taagan labadaa xubnood iyo miisaaniyadda lagu dhammeeyo nidaamka Sharciga.

Isugu yeedhida Golaha Wakiillada ee Madaxweynaha ayaa hadalhaynteedu soo baxday isla markii Golaha Wakiilladu galay fasaxiisa caadiga ah. Waxayna u muuqataa in Madaxweynuhu horgeynayo golaha go'aamada Guurtida.

Muranka Miisaaniyadda waxa uu taagnaa tan iyo March 2007.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

E-mail: dubad@Somaliland.com

No comments: