Tuesday, August 07, 2007

Wasiirkii Caafimaadka, Cabdillaahi Darawal oo iscasiley

(Waridaad) - Hargaysa– Wasiirkii Caafimaadka Somaliland, mudane Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), ayaa is casiley.

Idaacadda dowladda ee Radio Hargeysa ayaa xaqiijisey in Wasiirku warqad is casilaad ah u gudbiyey Madaxweyne Riyaale, Madaxweynuhuna ka aqbalay.

Wasiirka is casiley, mudane Darawal oo aan telefoonka kula xidhiidhay ayaa isaguna Somaliland.org u xaqiijiyey in uu iscasiley. Waxana uu sheegay inuu saaka u geeyey Madaxweynaha warqadda Iscasilaadda, lagana aqbalay.

Mudane Darawal, waxa uu sheegay in aanu wax faahfaahin ah oo intaa ka badan aanu bixinayn inta ka horraysa maalinta xilwareejinta.

Wasiirka Caafimaadka, mudane Darawal ayaa lagu tilmaamaa wasiirka ugu macquulsan xukuumadda ee aan badheedhihiisa ka warwareegin.
Hase yeeshee, maalmahan dambe waxa soo baxayey warar sheegaya in Mudane Darawal ay isku maandhaafeen Madaxweynaha khilaafaadka dalka ka jira.

Waxaana la sheegay in wasiirro kale oo ay isku aragti yihiin Wasiirka is casiley uu doonayo Madaxweynuhu inuu xilka ka qaado ama uu xukuumadda ku sameeyo isku shaandhayn.

Warar ku dhowdhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Riyaale uu isla maanta u yeedhay nin la yidhaahdo Tiimbaro oo mar Maayor ku xigeen ka ahaa Caasimadda, kaas oo la filayo in lagu beddelayo Cabdillahi Darawal.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

dubad@Somaliland.com

No comments: