Sunday, August 12, 2007

-War Deg-Deg ah - Muuse Biixi oo cutubyo askar ah la soo dhoobay gurigiisa agtiisa

(Waridaad) - Muuse Biixi oo cutubyo askar ah la soo dhoobay gurigiisa agtiisa.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa la soo dhoobay ciidamo hubaysan 9kii fiidnimo ee xalay gurigiisa dhiniciisa.

La garanmaayo sababta loo soo dhoobay ciidamadaan hubaysan guriga Mj: Muse, hase-ahaatee waxaa farta lagu fiiqayaa inuu amarku ka yimi dhinaca madaxtooyadda. Ilaa iminka wax fulin ha ma samayn ciidamadaasi, waxaana ummaddu eegaysaa talaaboyinka ay damacsanyihiin inay qaadaan.

Wixii war ah soo kordhay waanu idinla socodsiin doonaa.

Waridaad Media Centre



2 comments:

Anonymous said...

Goolaaftakan iyo guri askar ku xeerkani waxay kow ka yihiin hab dhaqanka talisyada macangaga ah ee cabudhin iyo caga jugayn miceensa markay muwaadiniintu qaladkooda tilmaamaan.
Muuse intani argagax gelinmayso ciidamada meesha la soo dhoobayna ma qaban karaan.

Rooble Mohamed said...

Xukuumaddu way ku khaldan tahay inay sidaas yeesho iyadoo muuse biixi hadal mucaarad ka soo yeedha mooyaane aanuu wax sharciga jebiya ku kicin ilaa hadda. Inkasta oo ay tahay inuu muuse u fiirsado hadalada afkiisa ka soo yeedhaya marka uu xukuumadda ka hadlayo oo uu marmar badan ku hadlo hadalo isugu jira hanjabaado iyo cay.

Bal aynu eegno waxa ka soo cusboonaada.