Friday, August 03, 2007

Malaha Maxamed Saleebaan Weyne ma wuxuu dafirayaa Dhimashadii walaalkii Xasan Saleebaan Weyne.

(Waridaad) - Malaha Maxamed Saleebaan Weyne ma wuxuu dafirayaa Dhimashadii walaalkii Xasan Saleebaan Weyne.

Waxa dadku dhammaan taariikhda hayaa uu la yaabay hadalada Maxamed Saleebaan Weyne ka soo yeedhaya iyo sida macangag-nimada leh ee uu halgankii SNM uga beensheegay uuna difaacayo manta rajiimkii lala dagaalamayey.

Maxamed waxaanu kuu sheegaynaa in siyaasadda iyo qorigu labaduba ay is wadeen wakhtigii aynu dagaalka ku jirnay oo aan la kala reebi Karin.

Ta aad leedahay SNM shirar may qaban hadaad u baahantahay shirarkii iyo hawlihii ay fuliyeen waxaanu kuugu haynaa siyaabihii ay u dhaceen iyo meelihii ay ka kala dhaceen iyo wakhtiyadii ay kala dheceen.

Malaa maxamed taariikhda soo jireenka ah ayaa kaa maqan waana waxaan la dafiri Karin maalmihii qadhaadhaa iyo taariikhdii soo jireenka ahayd ee soo maray umadda reer Somaliland.

"Waxba yuu xeerkay I marin xolona I siine xaashe e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe".

Waxaan uga jeedaa dulucda Maxamed Saleebaan iyo halka uu u duur xulayo iyo waxa uu maanta difaacayo.

Far ku tiriskii ka soo hadhay SNM baad manta u jeeda Maxamedow, kuwa aad u jeedaana waa Maxamed Xaashi, Gaboose, Siilaanyo iyo kuwo kale oo la mida ahe- markii aad casiirka sucuudiga ku cabaysay waa ragii darxumada iyo injirtu ku soo gashay halgankii aynu soo galnay ee go'aankii aynu dhammaan ogayn qaatay kaasoo aad adigu maalintaa qaadan kari weydey.

Cando dheregtay caash boorigay ciidan leedahay,
cadowgiyo shisheeyahana waw cabanaataaye.


Maalintii ragu is hayey xagaad joogtay Wasiiro Riyaalow

Wabilaahi Tawfiiq

Mohamed Hussein Roble

London

No comments: