Friday, August 03, 2007

Warsaxaafadeed - Somaliland Societies in Europe

(Waridaad) - Somaliland Societies in Europe - Warsaxaafadeed SSE fadeexad iyo dhaawac ku yimid dimuqraadiyada curdinka ah ee Somaliland ayay u aragtaa xadhiga lagula kacay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland.

Ururka Xidhiidhka Jaaliyaddaha Somaliland ee Yurub (SSE), iyagoo ogsoon horumarka dhinaca dimuqraadiyada ee ay Jamhuuriyada Somaliland tan iyo intii ay ka hirgaleen dalka hannaanka xisbiyada badan, ayaa haddana waxa uu walaac badan ku haya xadgudubyada xuquuqda xorriyada muwaadiniinta ee soo noqnoqonaysa, kuwaasi oo iyaga oo aan maxkamad distoori ahi danbi ku ridin si xaq darro ah looga xayuubiyo xorriyadooda. Xadhigan xadgudubka ah ee u dambeeyay waxa lagula kacay Guddoomiyaha ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo labada Guddoomiye Xigeen Enj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Cayiid oo dhammaantood xabsiga Mandheera loo taxaabay 28kii Julay 2007.

Haddaba wakhtigan aynu ku jirno oo dalku isku diyaarinayo doorashooyinka degaanka iyo madaxtooyada waxa fajiciso iyo amakaag nagu noqotay xadhiga xabsiga loogu taxaabo hoggaankii sare ee ururka Qaran, oo runtii noola muuqata tallaabo lagu degdegay oo lagu xalin kari lahaa siyaabo kale, iyadoon xorriyadooda laga xayuubin muwaadiniintan.

Inkastoo doorashadii hore tartanka madaxtooyada lagu soo koobay saddex xisbi ayaa haddana waxa iyaduna aan si cad u qeexnayn ama aan la isku raacsanayn in saddexda xisbi ay weligood ahaanayaan kuwa keliya ee iyagu ku loolamaya saaxadda siyaasada ee Somaliland. Waxa isweydiin mudan sida dad badani ay ku andacoonayaan in talaabooyinka ay ku talaabsadeen siyaasiyiintan xisbiga Qaran aanay aheyn wax ka hor imanaya xeerarka iyo distoorka waddanka u dejisan balse ay yihiin qaar dhiiri gelinaya tartan xalaal ah oo loo simanyahay inay ku tartamaan axsaabta Somaliland.

Urur ahaan waxaanu si aada u canbaareynaa xadhiga siyaasiyiintan lagu kacay oo aan loo soo marin sifo aan sharci aheyn, taasi oo aanu u aragno inay khalkhal gelin karto doorashooyinka fooda inagu soo haya iyo nabadgelyada dalka, maadaama loo diiday in ay dabaqaan xuquuqdooda distooriga ah ee uu dhigayo qodobka 23-aad ee distoorka qaranku, kaasi oo xaq u siinaya muwaadiniintu in ay isku abaabuli karaan ururo siyaasi ah. SSE ahaan in siyaasiyiinta Somaliland ay u hawlgalaan ama u dhaqdhaqaaqaan baahinta fikirkooda wax diidayaa nooma muuqdaan sidaa daraadeed waxaanu u aragnaa xadhigan mid lagu degdegay oo aan wax maslaxad ah soo kordhineyn. Waxaanu sidoo kale u aragnaa xadhigan mid la sifo ah kii lagula kacay muwaadiniin kale oo reer Somaliland oo aan helin fursad maxkamadeed oo ay isku difaacaan oo isla markiiba loo dhaadhiciyay jeelka ama xabsiga Mandheera. SSE xadhigan wuxuu ula muuqdaa mid lagu cajis gelinayo fikirka iyo dhaqdhaqaaqa xoriyadeed ee Siyaasiyiinta reer Somaliland.

SSE iyadoo fahansan cawaaqibka iyo cidhib xumada arrinkani ku yeelan karo mustaqbalka dimuqraadiyadeena curdinka ah ayaa waxa aanu ku talinaynaa:

- In Siyaasiyiinta loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera si dhakhso ah loo sii daayo oo loo soo celiyo xorriyadooda qaaliga ah isla markaana haddii ay jiraan wax dembiyo ah oo laga tabanayo loo maro dariiqa xalaasha ah oo la siiyo fursado ay isku difaacaan kuna diyaar garoobaan.

- In xukuumada Somaliland ay ka fiirsato in xoog iyo cabudhin lagula kaco muwaadiniinta reer Somaliland oo la ilaaliyo karaamada iyo xushmada qofka maadaama aanay jirin wax dembi ah oo lagu soo oogay.

- In xukuumadu ka waantowdo xadhiga iyo cabudhinta soo noqnoqonaya ee ay ku hayso shacbiga, taasi oo dhaawac badan soo gaadhsiisay sumcadii Dalka Somaliland.

- In la dhiiri geliyo furfurnaanta iyo fikradaha waxtarka u ah dimuqraadiyadeena hadda soo hana qaadeysa.

- In golayaasha xukuumadu, gaar ahaana guddiyada sida gaarka ah u qaabilsan inay u hawlgalaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen khilaafka la xidhiidha doorashoo- yinka soo socda, qaabka ay xisbiyadu ugu tartamayaan, diiwaangelintooda iyo weliba wakhtiyeyntooda.

- Anagoo og culeyska mas'uuliyadu leedahay ayaa waxa aanu ka rajaynaynaa Madaxweynaha iyo golayaasha xukuumadda inay intii karaankooda ah u hawl galaan in doorashooyinku ay ku dhacaan wakhtigooda.

- Ugu danbeyntii waxaanu u soo jeedinayaa shacbiga reer Somaliland in ay ilaashadaan nabadgelyada iyo xasiloonida dalkooda ka jirta oo ah ta keliya ee ay maanta Somaliland dunnida ka iibiso.Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu ina garansiiyo dariiqa toosan ee inagu hagaya caddaalada iyo dowladnimo hufan oo furfuran (Aamiin).

Allaa Mahad leh
Guddiga ama maamulka SSE
Dr. H.Abdillahi

No comments: