Sunday, August 26, 2007

Mid ka Mid ah Beelaha Waaweyn ee Gobolka Awdal oo ku Dhawaaqay inay ku Biireen Xisbiga KULMIYE

(Waridaad) - Hargeysa - Madax-dhaqameedyo, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ka tirsan beesha Maxamed-case oo ka mid ah beelaha Gobolka Awdal [Samaroon], ayaa markii u horreysay ku dhawaaqay inay si rasmi ah taageeradoodii siyaasadeed ugu wareejiyeen xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kana digo-rogteen xisbiga talada haye ee UDUB iyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Kulan ballaadhan oo ay masuuliyiinta beesha Maxamed-case kaga dhawaaqeen go’aanka ay beeshoodu taageerada siyaasadeed ugu weecisay xisbiga KULMIYE, ayaa lagu qabtay shalay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo ay ka qaybgaleen badi masuuliyiinta sare ee KULMIYE, xubno ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada ugu jira xisbiga iyo marti-sharaf kale, ugu horreyn waxa ka hadlay Suldaan Daahir Cismaan Cilmi (Taajaro) oo ka mid ah madax-dhaqameedka beesha Maxamed-case, isaga oo sheegay in salaadiintu ku jiheeyaan ummadda kolba meeshii ay danaynayaan, sidaa darteed xisbiga KULMIYE hadda ku soo wareejinayaan in badan oo ka mid ah beelaha reer Awdal, balse aanay tallaabadani ku koobnayn beeshooda oo keliya.

“Xukuumadda jirtana digniin baanu u nahay, xisbiga soo socdana dhiirrigalin baanu u nahay,” ayuu Suldaan Daahir Cismaan Cilmi (Taajaro).

Daahir Xasan Warsame (Bilaawacadde) oo ka mid ah aqoonyahanka beesha Maxamed Case, oo isana halkaa ka hadlay waxa uu xusay in beeshu markii horeba ay ka tirsanayd xisbiga KULMIYE, laakiin maanta ay si buuxda ugu soo biirayaan.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay beelaha degga Gobolka Awdal gabi ahaanba wax dheeraad ah ku qabin xukuumadda talada haysa, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Gobolka Awdal inta badan dadku waxay ku xantaan in waxyaalo gaar ah hoggaanka maanta dalka u sareeya ay ku qabto, beelo kalena joogintaanka maamulkaa ay waxyaalo ku waayeen. Waxaan idiin sheegayaa beelahaas khaasatan beesha Maxamed Case waxa gaar ah oo ay ku hesho, waxay ku waydo mooyaane ma jirto. Waxay beeshu gurmad ka tahay sidii loo toosin lahaa maamulkan iyo caddaalad-darradda, khusuusan Gobolka Awdal iyo dib u dhaca ku dhacay in ay saxaan ayey diyaar u yihiin oo ay xisbiga KULMIYE oo maanta ka dabayshu u dhacayso ah inay ku hawlgalaan.”
Xildhibaan Ikraan Xaaji Daa’uud oo iyaduna shirkaa ka hadashay ayaa tilmaantay in xisbiga KULMIYE u baahanyahay cid kaste oo aqoon iyo caqliba ku kordhinaysa, isla markaana beesha Maxamed-case ee ku biirtay xibsigu tahay tii ay codka xildhibaanimo ka heshay, sidaa daraadeed qiime gaar ah u leedahay.

Xildhibaan Ikraan waxay talo u soo jeedisay xisbiga KULMIYE ee ay ka tirsantahay, waxaanay tidhi; “Guusha Illaahay baa haya, laakiinse tawfiiqda ayaa wax walba ka weyn, Illaahayna ha inna garansiiyo. Mar labaad daacad haddaynu ku darsano, daacadi ma hungawdo. Waxaan leeyahay daacad aynu ku hoggaamino, bal hadda reer Awdalna dhegahaa laga badiyey reer Awdal waa UDUB, ee hanalaga daayo. Awdal UDUB ma wada aha ee way isku wadajirtaa, laakiinse damci baa iska jira oo nalagu xantaa, kolba dawladdii jirta Gobolkayaga Awdal waxaannu nahay dad isaga hoggaansama, Daahir-na dawladihii hore ee aannu u hoggaansanayn uun buu ka mid yahay.”

Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Md. Aadan Jaamac Hoorr, oo xilkii uu ka hayey xukuumadda iska casilay, isla markaana ka hadlay waxyaabihii ku kalifay inuu shaqada iska casilo, waxaannu yidhi; “Maanta oo ay tahay 24/08/2007, waxaan ummaddayda reer Somaliland hortooda ka sheegayaa, una caddaynayaa in aan ka degay xilkii Wasiir-ku-xigeennimo ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee aan qaranka Somaliland, taas oo ay sababteedu tahay, markii aan arkay sida khaldan, marin halawsan, ee aanay ugu jirin naxdin iyo u damqasho shacabkaas burburay ee halkii laga soo qaaday Illaah iyo ummaddiisuba garanayso, markii waayey xukuumaddii loo igmaday in ay hawlaheedaa fuliso ay hanan kari wayday, talo wanaagsan ku hagi wayday, taladii dadkana qaadan wayday ayaan bisha lixdeedii Golaha Wasiirrada kaga dhex dhawaaqay, ‘waar sannadkii laba iyo tobanka bilood ahaa saddeed baa ina dhaafay, ma sidaas ayeynu isku horfadhiyeynaa. Waar khilaafaadka maanta golayaasha ka dhextaagan, haddaynu waxba garan waynay ma sidaas ayeynu isku horfadhiyeynaa? Waxa lumaya dantii ummadda, waxaan idhi waar tanaasul ha la isku yeesho oo waliba innagu aynu yeelano hoggaanka innagaa ah.’ Arrinkaa la ilama garan aadna waan uga niyad-jabay.

Golihii dhammaa oo ninka safar uu Yururb ku sameeyey, ee ka sheekaynaya maalin walba halkuu maray iyo dantii ummadda oo ragaadsan aad iyo aad baan uga xumaaday, damiirkayguna wuu i siin waayey in aan sii dhawrto oo aan Golahaa isaga ah ee aan dareenka lahayn ee dharigooda oo kaliya bislaysanaya, in aan sii fadhiyo. Waxaan ku idhi labadiinaa nin ee halkaa fadhiya Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisow, 44-kayaga halkaa fadhida [Golaha Wasiirrada], waxaannu idin saarnay meel kadar ah oo dheer, markaasaanu sidaas idiinka tuuraynaa ee ehel idiinma nihin intayadaa, maadaama xaalku adag yahay, in maanta safar laga hadlo may ahayne in aynu halkaa intaynu joogsano maqribka ku kala casho tagno innagoo go’aan gaadhnay oo aynu tanaasulnay raggii kale ee golayaasha ku jiray, run ahaantii waa la igu oriyey. Halkaan jawaab ka sugayey anigoo u badheedhay, Khaliijkaan joogay oo 2,000$ (laba kun) oo dollar baan qaadanayey, 400$ oo dollar baan soo doortay. Waxaan u soo doontay waxay ahayd kalmad sax ah oo aad u tidhaahdo ummaddadaa yaaban, taas ayaa ikeentay, tii baanan ku dhiirraday. 6-dii bisha ayey ahayd markaan sidaa lahaa, maalintii dhawayd ee guddiga is-xilqaantay ay arrinta go’aamiyeena, waata indhaha lagaga dhuftay, fulow guuli kuu dhawaydaa,” ayuu yidhi Mr. Hoorri.

Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax haddana ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE oo shirkaa ka hadlay, ayaa ugu horreyn ka warramay taariikhda iyo miisaanka ay beesha Maxamed-case leedahay, waxaannu si gaar ah ugu mahadnaqay Wasiir-ku-xigeenkii Xannaanada Xoolaha ee xilka iska casilay, kaas oo uu ku tilmaamay nin nasteex u ah dalka, sidaa awgeedna shacbiga reer Somaliland looga baahan yahay inay soo dhoweeyeen tallaabada uu ku dhiirraday, waxaannu isaga oo arrintaa faahfaahinayey yidhi; “Sharaf baad halkaa [xukuumadda] ku joogtay, haddaad ka soo baxdayna sharaf baad KULMIYE iyo qaranka Somaliland-ba u tahay, sharaf baad u tahay beesha aad ka soo jeedo. Aadan Jaamac [Wasiir-ku-xigeenka xilka iska casilay] way garan waayeen in aad u hiilinayso, laakiin Illaahaybaa ajarkaa ku siin qarankaagii iyo dadkaagiiba waad u hiilisay.”

Waxaannu Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax intaa raaciyey; “Beesha reer Awdal intan iyo toban laabkeed ayaa leh Madaxweyne ka joog waad khaldan tahaye. Beelaha reer Awdal ee quudaraynaya hoggaanka UDUB, waxaan leeyahay waxa ku dayasho mudan beesha Maxamed-case.” Isaga oo si gaar ah ula hadlayey beelaha kale ee reer Somaliland waxa uu yidhi; “Qolada reer bariga ee Hargeysa ka bilowda, waxaan leeyahay haddii aad moodayseen reer Boorama meesha inay wax dheeraad ah ku qabaan, qudhaanjoy ku quuso. Waar hadday wax leedahay oo ay sharaf iyo wanaag leedahay, oo ay xaq ku socoto reer Awdal baa sii joogi lahaa, waxaan idin leeyahay ha ku daba lumina ee intay goori-goortahay dadkaaga dhinac ka raac.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku tilmaamay go’aanka beesha Maxamed Case ku gaadhay inay ku biirto xisbigiisa guul weyn oo u soo hoyatay KULMIYE, waxaannu uga mahadnaqay waxgaradka beesha tallaabada ay qaadeen.

“Waxaannu ku soo dhawaynaynaa qalbi furan, beeshan walaalaheena ee halkan maanta ka caddaysay taageerada ay u hayso xisbiga KULMIYE, waxaannu u aragnaa qiimahan qiime iyo sharaf ka weyn oo xisbiga u soo kordhi lahayd in aanay jirin, waxaanuna idin leenahay soo dhawaada.”
Axmed-Siilaanyo oo ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray iyo xaaladaha xaaladda siyaasadeed, waxa uu yidhi; “Walaalayaal horta maanta waxaan aad isaga ilaalinayaa in aan Madaxweynaha wax ka idhaahdo, waayo dorraad [Salaasadii toddobaadkan] ayaanu wada qadaynoo, waanala heshiisiiyo in uu ceeshku iqabto ayaan ka baqayayoo, horta anigu halkaa daari maayo waana Madaxweynihii qaranka ee dawladda, walaalkay Cabdiraxmaan baana ii yidhi taa, laakiin waxaan anigu ka hadlayaa waxa weeye had iyo jeer haddaynu nahay reer Somaliland waxyaabo aynu isu xamaanana way jiraan, dhaqan iyo hidaynu u leenahay qabaa’ilna aynu nahay. Qabaa’ilku wax ceeb ah maaha, mararka qaarkood marka ay kaftanka ama haasaawaha gasho, yaan loo qaadanin in wax xumaan ah loola jeedo. Innagu haddaynu reer Somaliland nahay waynu ognahay halka aynu ka soo qaadnay, halkaynu isugu nimi iyo markii hore Somaliland siday u dhisnaday, iyo wakhtiga aynu maanta joogno gobolka aynu Geeska Afrika kaga jirno. Waddankeenaa jar ee maanta ictiraaf haysan, aan dhaqaale iyo mucaawino badan midna helin, haddana waynu ka tilmaamanahay Geeska Afrika, waxaan dawladaha qaarkood gaadhin ayeynu ummad ahaan gaadhnay, sharaftaa iyo qiimahaa aynu leenahay Illaahay baynu ugu mahadnaqaynaa, marka xigana dadkeena Illaahay garansiiyey inay nabad iyo wadajir kuwada noolaadaan oo ay dawlad dhistaan, inay ummaddaha kale ee ay walaalaha yihiin nabadgaliyaan.
Toddobaadkii ina soo dhaafay oo kaliya wixii dhacay, ayaa waxa uu ka markhaati kacayaa arrin dhaqan innoo ahaan jirtay, maalintay arrintu adkaataba in aynu leenahay dad iyo ummad gurmata oo waxeeda toosisata.

Qarqalado badan ayeynu ka soo gudubnay, in muddo ah waxa inna jiidanayey maamulkii oo sidii aynu doonaynay noqon waayey, iyadoo wax badan geedi-socodkii dimuqraadiyaddu innaga qaloocday, waxaaynaan jeclayn inay dalkeena ka dhacdo oo musuq-maasuq, eex iyo maamul xumaba leh, mararka qaarkood waxay soo gaadhay inay baqdino badani inna galaan.

Maanta shirkaa aynu u fadhino waxa ka cad oo halkaa ka soo baxayaa waxa weeye, waxaynu u baahanahay in aynu wax ka beddelno, waxaynu u baahanahay maamulkii jiray in aynu beddelno innagoon xumaan, dhibaato iyo collaad midna muran, laakiin nimaadkii axsaabta ee aynu dhisanay u marayna,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka beesha Maxamed-case ee shirka ka qaybgalay waxa ka mid ahaa:

Suldaan Daahir Cismaan Cilmi (Taajaro)
Caaqil Maxamuud Badmaax Riiraash
Chief Caaqil Maxamed Siciid Samaale
Chief Caaqil Mahadi Cali Sheef
Chief Caaqil Cabdi Aare Maxamuud
Chief Caaqil Tukaale Hiiraash Shirdoon
Chief Caaqil Muuse Xuseen Faatax Saxane
Chief Caaqil Yuusuf Cabdi Geele (Gaylaan)

Aqoonyahanada

Cabdiraxmaan Saylici
Mahdi Ibraahim Xaaji Khayre
Axmed Xasan Caafi
Ismaaciil Cali Kaamil (Dhagax Buuri nacday)
Xuseen Cige Aare
Daahir Xasan Warsame (Bilaawacadde)
Jaamac Ibraahim Ayl
Cali Xaamud Jibriil
Axmed Ismaaciil Jaamac
Prof. Yaasiin Ibraahim Aburaas.

Waa markii u horreysay ee ay mid ka mid ah beelaha Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Rayaale si buuxda ugu dhawaaqdo inay taageeradeedii siyaasadeed u wareejisay dhinaca xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, tallaabadaas oo guul weyn oo siyaasadeed u ah xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo had iyo jeer xilliga doorashooyinka werwer ka qabi jiray taageeradiisa reer Awdal.

Jamhuuriya.info

No comments: