Saturday, August 11, 2007

Prof: Saleebaan Axmed Guuleed, ma Riyaaluu wakiil uga yahay shirka Soomaalidda ee ka dhacaya Lund, Sweden

(Waridaad) - Prof: Saleebaan Axmed Guuleed, ma Riyaaluu wakiil uga yahay shirka Soomaalidda ee ka dhacaya Lund, Sweden.

"Waa shir caalami ah, waana laga qayb geli karaa, ma koontaynar baan ku jirnaa" Prof: Suileman Guleed

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Saleebaan Axmed Guuleed ayaa la xaqiijiyey inuu dabayaaqada bisha August, 2007, u baqooli doono dalka Sweden, gaar ahaan magaaladda la yidhaahdo Lund, si uu halkaa uga qayb qaato shir lagaga hadlayo dib-u-heshiisiinta iyo dib-u- dhiska Somalia oo ay soo qaban qaabisay hay’ad la yidhaahdo, Somalia International Rehabilitation Centre.

Haddaba su'aasha meesha taalaa waxa weeyey. Prof: Suileman sifooyinka u banaynaya inuu kaga qayb qaato shirarka Soomaalidda loo samaynayo, ee ka xaarintimaysay, amse ka dhigaysa in qofkii, ama dadkii reer Soomaaliland ah ee ka qayb qaata shirarkaa iyaga ah, uu noqonayo/noqonayaan khaayin/khaayimiin, laguna qaadaayo danbi, ka duwaya ta Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud?

Waa su'aal looga fadhiyo xukuumadda Riyaale inay ka jawaabaan, haddii aanay meesha qorshe kale jirin.

Waridaad Media Centre

No comments: