Saturday, August 11, 2007

Xulka Gobolka Togdheer oo Hantiyay Koobkii Tartanka Ciyaaraha Gobolada JSL.

(Waridaad) - Xulka Kubada Cagta ee Gobalka Togdheer ayaa ku guulaysay Koobkii Kubadda Cagta ee Tartanka Kooxaha Gobalada Dalka Ka dib Markii ay Galabta ka badiyeen Kooxda Kubada Cagta ee Gobalka Awdal oo ay isugu soo Hadheen Finalkii Kama Danbeyska ahaa . Ciyaartan oo Ka Dhacday Garoonka Hargeysa Stadium waxaa daawashadeeda kasoo qaybgalay Dadweyne aad iyo aad utiro badan oo Camiray Garoonka iyadoo ay kala qaybgaleen Madaxda wasaarada Ciyaaraha iyo Madax kale oo ka tirsan Dawlada JSL .

Xulalka Kubada Cagta ee Labada Gobal ayaa bilawgii Ciyaarta waxa ay soo bandhigeen ciyaar heerkeedu sareeyo mid kastaaba uu ku dadaalayo sidii Koobka ay uhanan lahaayeen Daqiiqadii 38 aad ayaa Gobalka awdal waxa usuurto gashay inay Gool Dhaliyaan kaasi oo uu dhaliyay Ciyaartoyga Numbarka 7 aad uqaata nala yidhaahdo xassan Dafe Halka Daqiiqadii 10 aad ee Qaybtii Danbe Goolkii Barbardhaca ahaa ay dhaliyeen Gobalka Togdheer waxaana udhaliayay Ciyaartoyga Numbarka 5 aad Mustafe Xariif , Wakhtigii loogu talla Galay Ciyaarta ayaa ku dhamaaday Barb ardhac laysku mari waayay.

Sida Sharcigu dhigayo waxaa loo dhigay "Penalty " Rigoorayaal waxaa Ciyaartii Rigoorayaasha ahaa Guushu ku raacday Xulka Gobalka Togdheer oo Keensaday 10 halka Xulka Awdalna ka keensadeen 9 Gool. Ka dib waxa Halkaasi ka hadlay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Siciid Maxamud ayaa Koobka Tartanka Guddoonsiiyay Xulka Gobalka Togdheer Halka Bilad Qalin ahna Gudoonsiiyay Ciyaartoyga Gobalka Awdal ee iyagu Galay Kaalinta 2 aad .

Wasiirka oo munaasibadaasi Hadal kooban ka jeediyay waxa uu mahadnaq usoo jeediyay Xulalka Labada Dhinac iyo dhamaanba dhinacyada Hawshan ku gacan siiyay Wasaarada. Gobalka Togdheer waa Markii Labaad ee ay ku guulaystaan Tartanka Ciyaaraha Gobalada
Jamhuuriyada Somaliland.

No comments: