Wednesday, August 29, 2007

Xukuumadda S/Land Oo Madaxa Isku Gelisay Siyaasiyiinta Beelaha Maxamad Case

(Waridaad) - Hargeysa-(Lug)-Fadhi ay shalay galinkii dambe ay Ku kulmeen Odaya-asha iyo Aqoonyahano ka mid Beelaha Maxamed Case oo ka dhacay Gurigii hore ee Madaxweyne Rayaale ayaa gacan ka hadal isku badalay.

Odayaasha iyo aqoonyahanada Beelaha Maxamed Case oo Boorama ka yimid waxa hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal iyadoo ujeedada socdaalkooda Hargeysa lagu sheegay inay muujiyaan Taageerada beeshu u hayso Xisbiga talada haya ee UDUB.

Shir Jaraa'id oo Shalay galinkii hore ay Cuqaasha Beelaha Maxamed Case ku qabteen Hotel Maansoor ee Hargeysa ayey kaga dhawaaqeen in beelaha taageera buuxda u hayso Xisbiga UDUB iyagoo cambareeyey Odayaal iyo Cuqaal kale oo ka tirsan isla beelaha Maxamed Case oo iyaguna Todobaadkan gudihisa Hotel Maansoor kaga dhawaaqay inay ku biireen Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, isla markana Kalsoonidi kala noqday UDUB.

Shirka Jaraa'id kadib Cuqaasha Beelaha iyo Aqoon yahanadoodu waxay kulan fadhi ah galinkii dambe ku yeesheen Gurigii uu hore u deganaan jiray Madaxweyne Rayaale marku aha M/kuxigeenka, iyadoo kulankaas ay ku weheliyan Siyaasiyiin beelaha ka tirsan.

Ilo Xogogaal ah oo goob joog ka ahaa Kulankaas ayaa Xaqiijiyey in Fadhigu ku bilaabmay Jawi qabaw oo is afgarad leh balse marki dambe ay xaajadu kululaatay iyadoo la isku afgaran waayey Ajendaha Fadhiga.
Siday ilahaasi Xaqiijiyeen Odayasha Beelaha ayaa ka cawday in Ajendihi ay kagasoo baxayn Borama la badalay isla markana aan lala socodsiin ajendaha Cusub.

Muran iyo dood badan kadib waxay xaajadu gaadhay Gacan ka hadal dhex maray ergadii iyo qaar ka tirsan Siyaasiyiinta. Waxana gacanta iskula Tagay Dr Buuxane oo ah Dhakhtarka gaar ah ee Madaxtooyada iyo Abwaan Faarax oo katirsanaa Ergada Beesha Maxamed Case.

Siday ilahaasi xaqiijiyeen ilaa xalay xili dambe bay ergadu fadhiyeen guriga madaxweynaha iyadoon la sheegin wuxu ku dhamaaday fadhigu.
Siyaasiyiinta ugu tunka weyna ee kulankaa shalay abaabulkisa lahaa waxa ka mid aha Wasiiirka Warfaafinta Somaliland Md Axmed X. Daahir Cilmi oo isaga laftiisu kasoo jeeda beesha Reer Maxamed oo ka tirsan Beelaha Maxamed Case iyo Gudoomiyaha UDUB ee Gobolka Awdal.

Borama News Network

Hargeysa Office

No comments: