Friday, August 03, 2007

Xadhiga Hogaamiyayaasha Ururka Qaran: Tibaaxyo iyo Tuhuno Ah In La Keeno Ciidamo Itoobiyaan Ah Somaliland

(Waridaad) - "Waxa La Wadaa Is Bedelo Ciidamada Dhexdiisa Ah, Waxaan Aad u Tuhunsanahay In La Wado Qorshe Lagu Keenayo....."...Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Qaranka.

Hargeisa, August, 02, 2007 (Somaliland Today)- Xadhiga hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose,Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo xukuumadda M/weyne Riyaale xabsiga Mandheera u taxaabtay maalintii Sabtidii ee bishii hore ee July ay ahayd 28-kii ayaa tibaaxaha iyo tuhunada soo baxaya ee la xidhiidha xadhigooda lagu xidhiidhinayaa in uu yahay mid ka yimi dhinaca dawlada Itoobiya oo xukuumadda M/weyne Riyaale ka dhexeeyo gacan saar iyo xidhiidh saaxiibtimino ee labada dhinac.Wararka isa soo taraya ee la xidhiidha xadhiga siyaasiyiinta Ururka Qaran waxay sheegayaan in maamulka M/weyne Riyaale damacsan yahay in uu ku eedeeyo siyaasiyiinta ururka qaran inay yihiin kuwo xidhiidh la lahaa kooxihii maxaakiimta islaamiga ee lagaga adkaaday Muqdisho, taasoo ay dalliil u tahay hadalo ka soo yeedhay dhinaca xukuumada M/weyne Riyaale gaar ahaan xoghayaha guud ee xisbul xaakimka UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale oo shirjaraa'id oo uu maalintii Salaasadii ee bisha July ahayd 31ka ku qabtay xarunta xisbiga UDUB ee caasimada Hargeysa.

Waxaanu Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ku eedeeyay hogaamiyayaasha urur siyaasadeedka qaran inay wadeen isku dayo ay ku wiiqayaan xasiloonida dalka isla markaana ay xidhiidh la lahaayeen kooxihii maxaakiimta islaamiga ahaa ee muqdisho lagaga xoog roonaaday iyo inay yihiin niman sifo aan sharci ahayn wax ku doonaya.

Dhinaca kale Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna 31-kii Jully shirjaraa'id ku qabtay xafiiska xisbiga Kulmiye ee Hargeysa ayaa sheegay inay caddaymo hayaan in xukuumada M/weyne Riyaale ku oogayso siyaasiyiinta ururka qaran dacwada ku malo awaal ah oo ku saabsan inay xidhiidh iyo gacan saar la lahaayeen maxaakiimtii islaamiga ahaa ee laga saaray Muqdisho.

Waxaanu Afhayeenku ku dooday inay markhaati cad u ahayaan dacwada iyo eedanyta xukuumada,isagoo ugu baaqay xukuumada M/weyne Riyaale inay si shuruud la'aan ah ku sii dayso siyaasiyiinta ururka qaran.
Dhinaca kale ilo u dhuun daloola hogaanka ciidamada qaranka Somaliland waxay tibaaxeen inuu jiro qorshayaal xukuumada M/weyne Riyaale ku doonayso inay dalka ku soo geliso cutubyo ciidamo itoobiyaan ah, kuwaas oo shaki laga muujiyay talaabooyin dhawaan hogaanka taliska ciidanka qaranka Somaliland kaga saaray qoysas dan yar ah oo deganaa guriyihii miiska saraakiisha halkaas oo la sheegay in loo baneeyay dhawaan qaarkood laguna arkay saraakiil ka socday ciidamada itoobiyaanka oo ka yimi dhinaca dalka itoobiya.

"Waxa la wadaa isku bedel iyo isku shaandhayn lagu doonayo in ciidamo badan oo halkan [Hargeysa] jooga lagu damacsan yahay in lagu geeyo fadhiisimaha bariga iyo galbeedka ee ciidamada qaranka, waxaanaan tuhunsanahay qorshe lagu keenayo guuto ama laba ciidamo itoobiyaan ah oo la doonayo illaa Berbera iyo Hargeysa inay fadhiisimo ka samaystaan; saraakiil itoobiyaan ahna wayba noo yimaadaan maalmona way nala joogeen" .....sidaa waxa Somaliland Today u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada qaranka oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa oo jooga Hargeysa mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

Si kasta ha ahaatee waxa la dhawrayaa eedaymaha xukuumaddu ku soo oogto hogaamiyayaasha urur siyaasadeedka Qaran oo la filayo in horraanta todobaadka soo socda la hor geeyo maxkamad ku dhex taala xabsiga Mandheera oo horeba loogu dhex xukumay madaxdii iyo weriyayaashii wargeyska madaxa banaan ee Haatuf oo mudo sadex bilood ka badan ku xidhnaa xabsigaas.

Somaliland Today Newsdesk

No comments: