Saturday, September 01, 2007

Warbixin : Dhismaha Wadada Madaarka Berbera Wax ku darso

(Waridaad) - Dhismaha Wadada Madaarka Berbera oo ay fulisay Dawlada Hoose ee Berbera dhererkiisuna dhanyahay 3.2 Km taas oo la fuliyey sanadkan 2007 iyadoo uu Maayarka Berbera Md Siciid Daa’uud Cilmi uu sheegay inay dhismahan 3.2 Km dawlad hoose ahaan isla markaana ay iyagu fuliyeen Dhismaheeda taasina waxay dhalisay in manta Wadadaasi la marayo si aad u wanaagsan oo ay wadadaasi dayacnayd tan iyo markii lasoo galay dalka Somaliland oo ay Xukuumadu ku Guul Daraysatay bixinta lacagta wadada lagu dhameystiri lahaa oo Madaxweyne Rayaale balan qaadey sida la sheegay ilaa iyo hadana an waxba laga haynin taasina ay ka dhigtay wadada inay qeybi haatan qabyo tahay balse wax lagu diirsado ay tahay Qeybta ay Dawlada Hoose sida wadaninimada leh uu Maayar Siciid u fuliyey tani waxay qeyb ka ahayd olole balaadhan oo uu maayarka Berbera wax kaga qabanayey Wadooyinka Magaalada oo aad u dayacan kuwaasi oo dhamaantood la dayactiray sanadkii uu Gudoomiyuhu hayey Xilka Magaalada Berbera.

Weli Maka soo Degtay Madaarka Berbera Sanadkii 2006 iyo wixii ka horeeyey?

Haddii aad kasoo degtay Madaarka Berbera sanadkii wixii ka horeeyey ?
qofkasta oo kasoo degaa Madaarka Berbera waxa u horeeyey ee uu aad ka ula yaabi jiray waxay ahayd marka uu indhaha ku dhufto wadada Madaarka Berbera taasi oo niyad jab ku noqon jirtay Boqolaal kamid ah Qurbo jooga Somaliland oo aad uga niyad jabi jiray wadadaas oo aad moodaysay inaad maraysay wadadii rafka ahayd ee Baki iyo Borama u dhaxaysa ama tii tagi jirtay Ceerigaabo.

16 kii sano ee ay Somaliland ahayd dal madax banaan waxaan jirin wax lagu kordhiyey Madaarka Berbera iyo wadada Madaarka ee dayaca Badani ka muuqday taasina waxay dareenkiisa wadaniyadeed kicisay Maayarka Magaalada Berbera oo wax aan laga arag dhigay Wadadaa Madaarka iyo Wadooyinka kale ee Magaaladaba.
Sanadkii 2007 Makasoo degtay madaarka Berbera?

Hadaad kasoo degi lahayd Madaarka Berbera sanadkan oo wadadii Madarka intii badneyd la dhameystiray lagana dhigsay laami heer sare ah ma siweydiisa cida shaqada intaas leeg qabatay dabcan waad isweydiinaysaa balse ma istiri wax ku darso Wadadaasi
Hadaba haddii aad tahay muwaadin reer Somaliland ah bal wax ku darso si loo dhemeystiro qeybta ay Xukuumadu balanqaadkeedii bixin weyday taasina ay noqon doonto horumar adigoo tixgalinya danaha dalka iyo bulshada reer Somaliland.

Hadii aadan arag wadada Madaarka iminka iyo ka hor intii aan la dayactirin ka warayso dadyow badan oo kasoo degay isla markaana arkay labada jeer dhibtii hore iyo raaxada haatan lagu maro wadadaasi.
Weedha Maayarka Berbera ee Wadada Madaarka ?

Maayarka Magaalada Berbera Md Siciid Daa’uud Cilmi oo dhamaadkii wadada madaarka Berbera qeybtii hore kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay inay loo baahanyahay waxka qabashada dayacada hadheeyey Guud ahaanba wadooyinka Somaliland isagoo Maayarka ka hadlaya wadada madaarka Berbera waxa uu yidhi “ Runtii waxay ahayd wado aad u dayacan in badana inaan wax ka qabto ii qorsheysnayd anagoo qiimeynay waxa ku baxaya ayaanu Xukuumada ka codsanay bixinta 50% hawshaas Dawlada hoose ahaana waxaanu bixinay 50% sidaasi ayaanu hawshii kusii bilownay Haatana waxa la joogay dhamaadkii wixii aanu qaban karaynay iyadoo ay jirto duruufo badan maadaama aan waxka qabtay Wadooyinkii kale ee Magaalada runtii Berbera way dayacantahay abaalka lacagta kasoo baxday markale ayey dalka ka heli doonta insha allaah”

Gudoomiye Golaha Deegaanku waxa kale oo uu yidhi “wadada intii aanu wadnay waxaanu qeylo dhaan u diray Shirkadaha Maxaliga ah oo waxa nasoo ajiibay shirkadaha Ominco, Abco, iyo Shirkada TOTAL ee Shidaalka”

Gudoomiyuhu Waxa kale oo uu qeylo dhaan usoo jeediyey Qurbo Jooga Somaliland isagoo Sheegay in loo baahanyahay Dhameystirka Dhismaha Wadada Madaarka Berbera taasina ay u baahantahay in cidkasta oo awoodaysaa ay ka qeyb qaadato Berbera-na waxay lamid tahay Magaalooyinka Dalka ee yaanu qurba joogo lacag ku tuhmin.

Maayarka Berbera ayaa hadaladan ku aadan qurbo jooga ka sheegay Xaflada ay kula wareegeen golaha Deegaanka Berbera Ambalas ay ku wareejisay Gabadh Qurbo jog ah oo lagu magacaabo Yaasmiin oo uga mahadnaqey.

Cabdikariim Siciid Saalax
Phone :4441209
clkarim_3@hotmail.com
Berbera, Somaliland












No comments: