Sunday, September 16, 2007

Af-Munaafaq Allaw Naga Qabo

(Waridaad) - Waxaynu wada ogsoonnahay in umad kastaaba ay leedahay dhaqan iyo hidde u gaara oo waqti kasta la socda tallaabooyinkeeda horumarineed ee ay umaddaasi ku tallaabsanayso. Somaliland oo ah dal ka mida dalalkaa caalamka ee ay umaddiisu leedahay dhaqamada u gaarka ah waxa ka mid ah dhaqamdeenna adag ee aynaan marnaba intaa aynu soo jirnay dayrinin QABYAALADDA. Waxa dhaba in ereyga qabyaalad uu dhibteeda leeyahay marka la adeegsado dhankiisa xun, oo uu umadda ku keeno kala tafaraaruq iyo iskala saaarsaarid, waxase jira dhan kale oo wanaagsan oo adeegsigiisu inoo horseeday horumar iyo badhaadhe.

Waxaynu ogayn in doorashooyinkii hore ee Somaliland ka dhacay ay u dhaceen si Demoqraadiya, waxase sheegis mudan in Dimqraadiyaddaasi ay ku dheehneeyd qabyaalladdii aynu dhaqanka iyo hiddaha u lahayn. Tusaale ahaan doorshadii Golaha Wakiilada waxa reer kastaaba uu banka soo dhigayay ninkii uga qayb gali lahaa doorshadaas, xisbi kastaana wuxuu ku dadaalayay in uu soo sharraxo hadba beesha uu is leeyahay cod badan ayaa kaaga soo hoyan doona, mararka qaar waxa dhacaysay iyadoo shaxda qabiilka la dhigayo ay saddex nin oo isku beel ka soo jeeda ay xisbiyadu soo kala sharraxyeen. Iyadoo aan la isku kala saarayn rag iyo dumar caruur iyo cirroole, qofkastaaba wuxuu u ordayay ninka beeshiisa u taagan doorashada. Iyadoo ay sidaas tahay ayaan innaga oo adeegsanayna ereyga Dimocracy ku guulaysannay in ay inoo qabsoomaan doorashooyinku.

Halkaa marka aynu taagannahay waxaynu ka arkaynaa in Dimoqraadiyad beelaysan ay dalkeenna waxyaabo badan u suurto galisay. Sideedabana maaha uun in aad tidhaahdo demoqraadiyadda dalalka hore u maray ee boqollaalka sanno soo jiray ay adeegsadaan ayaan rabaa in aan dalkan yar ee dhawr-iyo-toban jirka ah ku qasbo in ay qaataan.

Waxa la yidhi kolba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaa, haddii manta dimoqraadiyaddaa beelaysan aynu kaga gudubnay waxyaabo badan oo aad u foolfoolxumaa, oo ay indhaheenni manta eeganayaan xisbiyo iyo tartanno doorasho maxaa ceebee ka jira beel adeegsi, maxayse tahay ujeeddada ka dambaysa in Xisbiga KULMIYE ee mucaaridka ah looguu eedeeynayo ee ceebta looga dhigayo in ay adeegsadeen beelo, wa ayose ninka eeddaa soo jeediyay.

Aniga oo u soo gundadgaya nuxurka qoraalkaygan, waxa jirtay in ninka lagu magacaabo Cismaan Hindi uu maalmihii inna soo dhaafay ku hadlay hadallo gaf ku ah xisbiga uu ka soo jeedo isagoo ay hayso caadifad qabyaaladeed, isagoo aad uga xumaaday Inaadeerkiisii uu u ololaynayay ee Dr. Axmed Xuseen Ciise ee ay u suurto gali wayday in uu mansabkii uu doonayay ka helo xisbiga dhaxiisa.

Cismaan Hindi isagoo laftiisa ay shidayso qabyaaladi, isagoo ahaa ninkii waqtigii doorashooyinkii Golaha Wakiilada inaadeerkiisii UDUB ka sharraxnaa qabiilnimo awgii shir ka dhax yidhi waan idinku raacasnahaye u codeeya UDUB iyo Ina Shabeel. Haddii Cismaan ay ka dhab tahay Dimoqraadiyad ha la adeegsado oo beelo halkaa ha la iska dhigo maalintii uu inaadeerkii sharraxnaa codka reerkiisa kumuu guubaabiyeen in ay u huraan xisbigii ay iska soo horjeedeen ee ay wax kala jiidanayeen.

Haddaba maxaa talaw maanta ku kallifay Cismaan in uu afkiisa soo mariyo KULMIYE ayaa adeegsanaya Beelo, talaw dadka uu la hadlayo ee uu is leeyahay wax u sheeg ma wuxuu moodayaa dad jaahil ah, ma wuxuu moodayaa dad aan xisaabtamin oo aan isku miisaamin hadalka maanta la leeyahay iyo kii shalay.

Anigu waxaan leeyahay waan ka daalnay nin siyaasi sheegaanaya oo afkiisa iyo uurkiisu is ogayn, waxaanse umadda leeyahay siyaasiga munaafiqqa ah ee aad maanta idinkuba arkaysaan waa masuuliyiinta barrito ee Ina Riyaale oo kale noqdee indho yeesha oo bal dib uu eega ninka aad wax ka dhagaysanaysaan.

Wa billaahitwfiiiiiiq

Hodan Ciise

Hargaysa, Somaliland

No comments: