Sunday, September 16, 2007

Afhayeenka Madaxweynahu isagu miyaanu lahayn af-xishooda.

(Waridaad) - "Afayeenka Madaxweyena Somaliland, Siciid Cadaani Mooge, ayaa maanta beeniyey warar lagu baahiyey saxaafadda Somaliland iyo Internetka oo sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka khilaaf dhexmaray oo gacan iskula tageen."

Isagoo sii wata ayuu haddana yidhi "Saxaafadu Masuuliyad iyo xil weyn ayay u haysaa Qaranka waxaa looga baahan yahay in ayna baahin warar caynkaas oo kale ah oo waliba Been ah oo ay umadda ku jahwareerinayaan, waxay noqon doonaan Jaraa’idadaasi kuwo imika dadku ay ka foojignaan doonaan wixii danbe ee ay soo qoraan mustaqbalka."

Siciid Cadaani ma aha markii ugu horaysay ee uu idho la'aan isula soo taago dafiraad uu ku qarinayo, ceebaha iyo khilaafadka hadheeyey, Xisbi dowle-UDUB, isagoo afhayeenku adeegsanaya warbaahinta dawladda.

Waxaa ah wax lala yaabo inuu isagoo og beenta uu qarinayo, inuu hadda adeegsadu hadalo iyo weedho ka fog inuu isticmaalo nin masuul ahi.

Waxaa nasiib daro ah in ummaddii dalkani doorteen ay ula dhaqmaan ummaddii kursiga ku fadhiisisay, sidda caruurta, oo ay marba been qaawan u sheegaan, siddii ilmo yar oo la sasabayo.

Waxaa wax laga naxo ah, inuu afhayeenku isla soo taago masraxa marba, been uu ka siddo maamulahiisa. Waxaa iyana nasiib daro ah, dadka uu la hadlayo ee u sheegi la' inuu ixtiraamo caqligooda, uuna ka waantooba, indho adkaanta uu la soo taagan yahay meel kasta.

Waxaa iyana ah, mid la sugo, marka beentu dhamaato, ee ay gaadho kala miirka, halka ragani istaagi doonaan. Iminkana waxaaba la leeyahay, qaar kale ayaa ku soo biiraya.

Markaa Mudane, ummaddii beentiinii iyo madax salaaxii beentu hadhaysay, way soo tufeen, waanay arkaan isbaacsiga UDUB, buste iyo aflagaadu aad dad dusha ka saartaan oo danbe cidi aqbali mayso. Sidaad daraadeed, Mudane, gafka iyo aflagaadadda kala joog dadka, oo aayahaaga magac u reeb.

Ahmed Quick
Waridaad Media Centre

No comments: