Sunday, September 16, 2007

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

(Waridaad)

Warsaxaafadeed
Kadib,markii ay I soo gaadheen Emailo fara badan oo isugu jira kuwo ka tiiraanyaysan mu’aamar laygu sumcad dilay oo inta lagu been abuuray Sexeexayga laga dhigay anigoo warqad u diraya Wasiirka warfaafinta DFKM ee maamulka Cabdulaahi Yuusuf iyo kuwo run u qaatay warqadaasi oo i canbaaraynaya.

Kadib markii qaar ka tirsan shebekadaha wararka lagu faafiyay qoraalkaasi, iyadoo loo dhigayo in aan ahay khaayin wadan, lana soo geliyay shebekadahaasi warqadaasi oo sawiran, waxa ay igu dirqiday in aan wax ka idhaahdo arrintan, maadaama ay habsaantay baadhistii ay ciidamada dembi baadhistu ku hayeen falkan oo la raagsaday.

Annigoo ku kalsoon in baadhistu ay si wanaagsan u socoto, haddana waxa aan jaclaystay in aan bulshada u cadeeyo in warqadaasi ay tahay mid been abuur ah oo ay ka danbeeyeen rag isku bahaystay damac kuraasiduxufia aan ku fadhiyo ee Gudoomiyenimada SOLJA iyo Wargeysyada Maandeeq Media Group iyo Xaasidnimo ku wajahan hawsha baaxada leh ee uu ururka SOLJA ku talaabsaday muddadii yarayd ee aan hayay xilkan, taasi oo ay ka marqaati yihiin Saxafiyiinta Somaliland urur kasta oo ay ka tirsan yihiin iyo dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Dadka danaynaya in denbiga lagu qaado cida yeelata haddii ay xitaa noqoto in aniga laygu helo waxa aan u sheegayaa in arrintan uu Qaranka Somaliland u gudbiyay Haya’adaha ku shaqada leh sida ciidanka denbi baadhista ee loo yaqaan (CID)-da sidaa daraadeed maan doonayn in aan ka hor dhaco,hase yeeshee waxa aan arrintan si faah-faahsan uga hadli doonaa maalmaha soo socda oo aan filayo in ciidanka gacanta ku haya baadhista ay u gudbin doonaan halka ay khusayso.

Sidaa daraadeed waxa aan ka codsanayaa Bahweynta saxaafadu in ay u yara samraan inta hay’adaha sharcigu I baraxayaan ama ay igu cadaynayaan arrintan anigoo ku kalsoon hay’adaha sharciga ee dalkeenan.

Mustafe Cabdi Ciise "Shiine"
Gudoomiyaha SOLJA

No comments: