Monday, September 17, 2007

Xisbiga KULMIYE oo guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Hargeysa

(Waridaad) - Hargeysa – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta u magacaabay Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) inuu noqdo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, kadib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi).

Sidaa lagu sheegay warqadda Magacaabista Guddoomiyaha cusub, Guddoomiye Axmed Siilaanyo, waxa uu magacaabistan soo saaray, kadib markii uu la tashaday xubnaha Guddida Fulinta xisbiga kaga jira gobolka Hargeysa, Xildhibaanada Golaha Wakiillada kaga jira Gobolka Hargeysa ee ka soo baxay Xisbiga KULMIYE iyo Guddida Fulinta ee heer Qaran.

Magacaabista Guddoomiyaha cusub, waxay ka dambeysey markii Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Hargeysa, Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) Khamiistii, kadib markii uu qabtay shir aan xisbigu la ogeyn.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa

No comments: