Tuesday, September 04, 2007

Wafti Ka Socda Baarlamaanka Britain Oo Saaka Soo Gaadhay Hargeysa

(Waridaad) - Hargeysa-Maanta Markay Saacadu ahayd 11:30 waxaa garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa ka soo degay Wafta balaadhan oo ka socda Baarlamaanka Dalka Britain waxaana garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airporta si diiran ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Dalka Somaliland, waxaanay xubnaha waftigaasi Baarlamaanka ay kala hadleen oo ay sheegeen inay si aad ah ula socdeen horumar Jamhuuriyada Somaliland ay ku talaabsatay ee dhinacyada Dimuqraadiyada, iyo Dhismaha Dowlada waxaanay Cadeeyeen in dad badan oo u dhashay dalkani ay ku sugan yihiin wadanka Britain ayna idiinka qabtaan howlo badan oo kala duwan.

Waxaana isna halkaasi ka hadlay nin sheegay Inuu u dhashay Somaliland oo ka soo jeeda magaalada Berbera isla markaasina ka mid ah xunaha Waftigaasi Baarlamaanka Ingiriiska.

Mudada ay waftigaasi joogaan dalka waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan madax ka tirsan sadexda Gole Qaran iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa Sal u noqon doona sidii xidhiidh saaxiibtinimo oo iskaashi ay labadan wadan u samaysan lahaayeen isla markaasina ay is dhaafsan lahaayeen Wufuud kala duwan iyo Soo noolayntii xidhiidhkii saaxiib tinimo ee Somaliland iyo Wadanka Britain.

Xigasho: Lughaya.com

No comments: