Friday, September 14, 2007

Cismaan Ma Imika Ayaad Saxsantahay Mise Shalay!!!

(Waridaad) - Cismaan Hindi miyaanay ahayn shalay ninkii lahaa waxaan uga tanaasulay musharaxnimadaydii Madaxwayne-ku-xigeenka ee xusbiga BEELAHA DARAFYADA. Maxaad shalay uga hadli wayday DIMUQRAADIYADA, aad maanta ka hadlaysid. Golaha wakiilada ayaad ku soo bixi lahayd haddii cod dadkaaga ka haysatid. Adiga ayuunbaa maanta is ceebeeyay, ee cid KULMIYE ah oo adiga ku raacaysaa ma jirto. Qofka MAANTA Somaliland danaynayaa waa qofka ka fakira siddii TUUGTA dalka haysata looga badbaadin lahaa. Markaa Somaliland waa ay tashatay, waxaanay ku tashatay sidii Dahir Riyaale iyo Dabadhilifkiisa looga badbaadin lahaa dalka. Kulmiyana waa xusbiga kaliya ee Aqoontii, iyo Wadaniyiintii Somaliland ay iskugu urureen, waana xusbiga kaliya ee doorashooyinka dalka ku guulaysankara.

Waxaan nasiib daro in aad KULMIYE u matalaysay magaaladdii aan ku dhashay, kuna barbaaray ee Hargaysa, khasatan xafadaydii 26 Juun. Maantana Dumarkii iyo dhalinta sharafta leh ee reer Hargaysa aad iskugu yeedhid oo tidhaa KALSOONIDA ayaan kala noqonaynaa KULMIYE, haddii sida aan doonayo shirka u hirgalin waayaan. Haddii cabasho aad xusbiga u soo jeedinayso waxaa ay ahayd in shirka u qabatid xubnaha golaha dhexe ee xusbiga, ee ma ahayn in dadka u kala qaybiseen Gobalo iyo xaafado. Haddaba dadka KULMIYE ee reer Hargaysa ayaa Adiga KALSOONIDA kaala noqday.

KULMIYE waa xusbiga ugu wayn ee Somaliland, dadka Somalilandna badankiisu waa KULMIYE Gudo iyo Dibadaba, markaa digniinta cid aad wax kaga qadaysi ma jirto. Haddii Qabyaalad laga hadlayana waxaan qabaa in shirkaa dadka aad isku keentay aad Qabyaalada aad iskugu keentay, adiga oo Gobalka iyo Xaafadaha Hargaysa ku gabanaya.

Teeda kale miyaad ilawday in Beelo lagu qaybsaday Golaha wakiilada. In Golaha Guurtidu uu ku fadhiyaan Beelaha Somaliland. Haddaba, Saxiib KULMIYE noqon mayo xusbiga maanta sida aad ku doodaysid u dhaqma. Qabiilku waa Cudur dadkeena ku abuuran, waxaanu saxiib u baahanyahay hawl wayn, mana aha hawl maanta KULMIYE saxi karo. Qofkasto oo Somaliland ahi marka hore waxaa uu ku abtirsadaa Beel, marka xiga Somliland. In aynu cudurka qabiilka dadka laga bogsiiyo, waa hawl wayn oon aaminsanahay in hogaanka KULMIYE ay yihiin kuwa dadkan ka bogsiin kara. Markaa ha hor boodin shaqo u bahan wakhti. Gobalkasta iyo dagmo kasta oo Somaliland ah waxaa dagan ama u badan qabiilo, ama dhawr qabiil. Markaa Gobalada iyo Degmooyinka ergooyinka ka imanayaa qabiilooyin ayay ku salaysan yihiin. Haddii aanay sidaa ahayn waxaad gudoomiye xusbiga u noqon kari lahayd Gobalka Togdheer, Sanag, Awdal, Sool ama Saxil.

Hadaba maxaa keenay in aad maanta tidhaa Beela ayaa lagu qaybsanayaa. Hargaysa dadka aad leedahay waan kaxaysanaa ayaan ku jira, markaa saaxib nasiibkaa ka qaad UDUB, Aniga iyo dadku Hargaysi arintaa kugulama socone eh.

Waxaa maanta noo cadaatay in dantaada aad ugu biirtay siyaasada, ee aanad dan ka lahayn dadka iyo dalka toona. Waayo haddalada aad tidhi ma haboona wakhtigan uu xisbigu isku dayayo inuu abuuro gole isdoorta lana dooran karo. Haddii KULMIYE aanu doonaynin inuu ku dhaqmo Dimuqraadiyad sidii UCID ayuu ‘LIST' loo codeeyo shirka keeni lahaa. Halkaasi ayaanu shirku ku dhaman lahaa.

Nin alaala iyo ninkii doonaya inuu dadka u kala qaybiyo Gobalo, Xafado, iyo Beelo si uu dantiisa shaqsi u gaadh, xusbiga Kulmiyana kama mid ma aha, Somalilandna dibada ayuu ka yahay.

Rabadaan Kariim Dhamaantiinba, Allahu AKBAR, Allahu AKBAR.

SOMALILAND Ha Noolato !!!!!!!!!!!!!

Omar Abdi Yousuf,
USA

No comments: