Friday, September 14, 2007

Madaxweyne Rayaale Iyo Ku Xigeenkiisa Axmed Yaasiin Oo Khilaaf Dhex Maray Darteed Gacmaha Iskula Tagay

(Waridaad) - Warar xogogaal ah oo ay shabakada Sooyaal.com maanta oo khamiis ah ka heshay xarunta madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland ayaa tibaaxaya in kulan deg deg ah oo maanta ay yeesheen golaha wasiiradda Somaliland uu kulankaasi ku dhamaaday jawi khal khal iyo gacan ka hadal ah.

Kulankani oo madaxweynaha Rayaale dalbaday inuu qabsoomo lagagana wada hadlaayey banaanbax maalintii shallay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo weliba sidii xisbul xaakimka UDUB ugu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka foodda ku soo haya Somaliland.

kulankani ayaa waxaa hadal ka jeediyey wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale Cawil isagoo ku sheegay hadalkaasi uu ka hor jeediyey golaha wasiiradda in la qabto kulan ay yeeshaan hogaanka Xisbiga UDUB kaasi oo loogu tanaasulaayo musharaxa Madaxweynaha, Madaxweynaha haatan Daahir Rayaale Kaahin, balse markii wasiirku uu hadalka sii waday ayaa waxaa soo dhex gallay buuq iyo sawaxan ka imanaayey qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda oo uu horkacaayey Madaxweyne ku xigeenku axmed yuusuf yaasiin, kuwaasi oo ka booday kulanka uu soo jeediyey wasiirka maaliyaddu kuna sheegay in loogu tanaasulo hogaanka iyo musharaxa madaxweynaha Madaxweyne Rayaale.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim ayaa sida wararka xogogaalka ah ee aanu helayna tibaaxayaan waxay kulankaasi aflagaado iyo gacan ka hadal ku dhex maray wasiirka maaliyadda, waxaana markii danbe ay keentay in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Madaxweyne Rayaale ay kulankaasi isku dhaafsadaan kelmado kulul oo keentay sida aanu warka ku helayno in ay labada masuul gacanta iskula tageen.

warar xogogaal ah oo shabakada Sooyaal.com helayso ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Rayaale damacsanyahay siduu uu uga takhalusi lahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, halka xubno door ah oo ka tirsan golaha wasiiraduna ay doonayaan in madaxweyne ku xigeenku uu isku soo taago jagada musharaxa Madaxweynaha kulana loolamo, wararka ayaa tibaaxaya in madaxweyne rayaale iyo wasiirkiisa maaliyaddu Cawil Cali Ducaale ay doonayaan waddo kale oo ka fudud shirweyne uu xisbiga UDUB iskugu yimaado kaasi oo ah kulan markale loogu doorto hogaanka Xisbiga Madaxweyne Rayaale.

sida xubin ka tirsan hawl wadeenada madaxtooyadu uu u xaqiijiyey shabakadda Sooyaal.com waxaa jira heshiis qarsoodi ah oo u dhexeeya Madaxweyne Rayaale iyo wasiirkiisa maaliyadda Cawil Cali Ducaale kaasi oo ah in ay si wada jir ah u hantiyaan musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo weliba hogaanka sare ee Xisbiga UDUB, balse waxaa jira loolan kale oo kaga imanaya dhinaca Madaxweyne Ku xigeenka Axmed Yaasiin oo bilahii ugu danbeeyey u muuqday in awoodiisu sii wiiqmaysay.
Xigasho: sooyaal.com

No comments: