Monday, September 17, 2007

Faallo: Xaaladda Siyaasadda Murugsan Ee Somaliland

(Waridaad) - Ummadda Somaliland waxay gashay gef taariikhi ah sannadkii 2003 markii ay Daahir Riyaale Kaahin oo lasafnaa Taliskii Siyaad Barre ee dalka laga xorreeyay 1991 u dooratay madaxweyne kana dooratay halyeeyadii Ururkii SNM ee ka badbaadiyay ummaddaas dhaxal-wareegdal iyo qaran oo Taliskaasu maleegay sannadihii 1988iyo 1989. Waxay arrintaasu la mid tahay neef xoolo ahoo leefaya kalgacal awgeed gacanta lisanaysa mindidii lagu gawricilahaa. Lama arag taariikhda dal xukunkiisa markiiba gacanta loo gesho kuwii laga xorreeyay oo maantana la raba tii ku dhacday mid ka daran. Maanta waxaa xabsiga ku jira xubno siyaasyiin ah oo ay ka mid yihiin aasaasayaashii iyo halgamayaashii Ururkii SNM oo Riyaale oo dembiile ah irabo in iyaga oo aan waxba galabsan cafis ka baryaansi loo soo daayo. Waxa uu Riyaale gaadhay heer uu shacabka iyo wax garadkiisaba ka caayo idaacadaha adduunka taas oo muujinaysa inuu yahay shakhsi kaqaawan maamuuska madaxweynanimo kuna wacad furay ummaddii xilka u dhiibatay. Ummadi haddii aanay taariikhdeeda xusuusan kuna hawlgelin ama kadhiidhiyin wixii jiritaankeeda iyo sharafteeda halisku ah kama baxdo dhibaato iyo khatar xidhiidh ah sidata uu maanta ku hayo Maamulka Riyaale iyo Xisbiga Udub.

Marka la eego waxyabaha ka dhacaya Somaliland maanta,qofna kama qarsoona in Maamulka Riyaale uu yahay qaran-dumis si weyn uga soo horjeeda qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland isla markaana u maleegaya burbur weyn oo ku dhaca Somaliland si loogu cesho Somalia. Madaxweyne Riyaale oo ka talo qaata Meles Zenawi, Cabdullahi Yussuf iyo Ismaaciil Cumar Geelle lana wadaaaga mijaxaabinta Somaliland waxa uuqaran-dumisnimada bilaabay sannadkii loo doortay madaxweynanimada ee 2003 waxaana maalinba maalinta kadambaysa sii burburaya qaranimda Somaliland siin
af ogaanaya ictiraafkeeda.
Qaran-dumisnimada waxaa daliil ah u arrimaha kala ah:-

1. Madaxweyne Riyaale oo sida qaalibka ah jagooyinka sare ee awoodda dawladda u magacaaba xubno la safnaaTaliskii Siyaad Barre kana soo horjeeday halgankii lagaga badbaadiyay dadka iyo dalka isaga oo awoodda kafogaynaya inta daacadda u ah qadiyadda Somaliland.

2. Madaxweyne Riyaale oo Gobolka Sool iyo Sanaag Bari gacanta u geshay Maamulka Majeerteeniya ee Puntland si cadna u horjoogsaday in miliishiyada Puntland laga saaro xuduudaha Somaliland taas oo sharaf xumo iyo sumcad xumo u soo jiiday dalka Somaliland.

3. Madaxweyne Riyaale oo u xuubsiibtay keli-taliyefool xun sidii Siyaad Barre isaga oo Dastuurka Qaranka ku tuntay lana wareegay hawshii Golayaasha Qaranka iyotii Garsoorka Dalka taas oo u fududaynaysa mijaxaabinta qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland.

4. Madaxweyne Riyaale oo siyaasiyiinta, weriyayaasha saxaafadda iyo dad aan waxba galabsan xabsiga ugu dira maxaad wax iiga sheegaysaan ama iiga soo horjeedaan taas oo ah keli-talisnimo fool xun oo aan lana socon karin xilliga.

5. Iyada oo ilaa maanta aanay Ciidamada Qalabka Sidaee Somaliland u dhisnayn, u tababarnayn una hubaysnaynsida ciidamada casriga ah ee loogu talo galo difaac dal iyo ummad.

6. Hantida qaranka iyo deeqaha adduunka ee lagu daryeeli lahaa ummadda ama lagu fulin lahaa mashaariicda horumarinta waxay madaxweyne Riyaale, maamulkiisa iyo Xisbiga Udub ka dhigeen qayb ay ku tagrifalaan kuna fushadaan danahooda gaarka ah iyo qayb ay uadeegsadaan kala qaybinta iyo iska horkeenka shacabka Somaliland.

7. Madaweyne Riyaale oo aan shacabka iyo saxaafadda midna runta uga sheegin ujeedooyinka booqashooyinka uu sida joogtada ah ugu tago Addis Ababa ama ku booqdo dalalka kale ee adduunka taas oo la aaminsanyahay inuuku shirqoolo aqoonsiga Somaliland.

Marka la eego arrimahan kor ku xusan oo kala dhantaalay dhaawacweyna u geystay qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland, waxay dad badani aaminsanyihiinin burburinta Somaliland madaxweyne Riyaale ku xumaynayo dadka Isaaqa isaga oo qadiyadda Somalilandaan u arkayn qadiyad ummadda Somaliland oo dhan kadhaxaysa balse u arka qadiyad Isaaq dabadeedna uu rabo aargoosi nacayb ku salaysan sida Cabdullahi Yussuf. Waxaa Riyaale illow sanyahay in dadka Isaaqa si xun loo xasuuqay, loo xidhay, looga barakiciyay
dhulkoodii,magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii loo burburiyay,hanti doodiina loo dhacay intii u dhaxaysa 1982-1990 laguna talagalay in dhulkooda laga dhaxal- wareejiyo. Iyaga oo ay ku dhacday dhibaatooyinka laxaadkaas leh ayay haddana cafis u fidiyeen dadkii intaas oo dhibaato ah u geystay iyaga oo diinta Islaamka xeerinaya. Haddii uu maantana tii oo kale la rabo Isaaq, waa in Riyaale ogaadaa in gadoodka dhaca lagu gubanayo.

Waxa la rumaysanyahay in madaxweyne Riyaale lagu lataliyay inuu xukunka Somaliland xoog ku haysto doorasho kastana boobo ilaa inta qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland meesha ka baxayaan. Waxaa Riyaale ku hamiyayaa inuu ciidamo Itoobiyaan ah soo gesho Somaliland si uu doorashada u boobo xukunka ku hayaansi qasab dib loogu mideeyo Somaliland iyo Somalia taa soo Meles Zenawi u arko inay Itoobiya magac u soo jiidayso ka dib markii uu ku fashilmay Somalia.Cabdullahi Yussuf ayaa isna had iyo jeer Itoobiya kubeer laxawsada in Somalia degi lahayd haddii Somaliland xoog loogu soo cesho. Waxaa Meles Zenawi uu hadda wadaa qorshe uu rabo inuu ku kulansiiyo madaxweyne Riyaale iyo Abdulllahi Yussuf si loo maleego qaranimada Somaliland.

Marka la eego dhaqamada qaran-dumisnimada ku salaysanee madaxweyne Riyaale, ummadda Somaaliland yaanay marnaba sugin doorasho madaxweyne oo dimoqaraadi ah oo si nabadgelyo ah oo xalaal ah uga dhacda Somaliland bisha March 2008 haddii aanay cududeeda iyo awoodeeda deg deg ugu midayn uguna muujin Maamulka Riyaale dagaalna u diyaar garoobin ay isku badbaadinayso haddii madaxweyne Riyaale isku dayo inuu doorashooyinka degaanada iyo madaxweynaha qas ku baajiyo ama boobo. Mar haddii midnimadii qaranimo iyo aqoonsigii Somaliland dhaawac weyni gaadhay ma banaana in la isku hoosaasiyo ama maaweeliyo nabadgelyo aan siijiri doonin haddii madaxweyne Riyaale haweysto xukun dambe.

Ummad yahay waa laguu tashadee waa inaad tashataa. Waa in qofkasta iyo beel kasta oo ka mida ummadda Somaliland ay ogaataa in madaxweyne Riyaale iyo inta daacadda ugu adeegta maamulkiisa iyo xisbiga Udub ay yihiin cadowga kowaad ee jiritaankooda iyo noloshooda oo aan marnaba qabiil loo soo kala dhaweysan.Madaxweyne Riyaale loogama soo horjeedo qabiil ee waxaa looga soo horjeeda dhibaatada uu ku hayo dadka iyo dalka waayo markii madaxweynaha loo dooranayeyba waa la ogaa beesha uu ka soo jeedo. Beel kasta ama ummadda Somaliland guud ahaan waxaa looga digayaa nin madax ah oo u tuma durbaan qabiil isaga oo danihiisa ku fushanaya danahooda seejinaya. Qabiilna ama beelina yaanay u xaglin eedna ku gelin nin dabka uu shido aan cidina ka badbaadayn. Qof kasta, beel kasta iyo ummadda guud ahaan waxaa waajib ku ah inay taageeraanoo doortaan musharraxa u adeegaya danahooda iyada oo aan loo eegin qabiilka ama beesha uu ka soo jeedo.Waa in la midoobaa si wadajir ahna loogu wada diyaargarooba sidii loo wada ridilahaa ama loola wada dagaallamilahaa madaxweyne Riyaale iyo maamulkiisa haddii ay lagama maarmaan noqoto arrinta KACDOONKU si looga badbaadiyo qaranimada iyo dawladnimada Somaliland.

Axsaabta Mucaaradka, Golayaasha Qaranka, madaxdadhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, Ciidamada Qalabka Sida, Ururada Bulshada, dadweynaha iyo qurbajooga Somaliland waa inay iska kaashadaan qaabkii Maamulka Riyaale looga badbaadin lahaa dadka iyo dalka haddii uu qas ku baajiyo ama ku boobo doorashada soosocota ee madaxweynaha. Caalamka waa in laga dhaadhiciyaa in madaxweyne Riyaale iyo maamulkiisu gaadhsiiyeen ummadda Somaliland heer ay waajib noqotay inay iska badbaadiyaan. Waa in loo diyaar garoobaais-badbaadin. Somaliland ha guullaysato

Ibrahim Hassan Gagale


Taariikh: September 17, 2007

No comments: