Thursday, September 20, 2007

TALAAYEEY IYO BEEL MA AAMINSANI HINDIBAA LAGA HAYAA

(Waridaad) - Waxa cajiib ah in Cismaan marba dhinac, marba midab, marba fikrad la yimaado. Waxa uu hore u ahaa ninkii lahaa UDUB ha loo fooday inaadeerkabaa ka sharaxana. Waxa xigtay musharxnimada waxaan uga tegay beelaha darafyada. Waxa xigtay Kulmiye waxaan ku dhaliiyey habka qaybsiga ku dhisan beelo.

Waar muu intaas uun ku joogsado. Habeenba kama soo wareegin, kolkuu afka gacanta saaray isagoo leh beeshayadii ayaa wax lagu yareeyey, oo beelo dhowaan soo galay ayaa wax nalooga garoocay. Waa yaab ah haddii xisbiga wax u kordheen oo reero aan ku jirin soo galeen, miyeyna ahayn inuu ku farxo, oo weliba uu budka u ruxo cidda wax u diida, ileen waa ninkii lehaa xisbigaan aaminsanay. Waa maxay reerkeyga mahee cid kale soo gelimayso. Waar sidaas xisbi kuma guulaysto.

Inaadeer talo-xumada beesheena ka daa. Waa isla talo xumadii aynu Hormood ku reebnay, kolka beel keliya aynu ku guulaysan weynay inaynu ku soo xidhno. Waar keli ima dhaqdo, waana aynu ognahay oo maba nihiin beel is-raacsan. Oo qoyskeena hoose ayaa u daran. Bal u dhego fura, sida foosha xun eed u wiiqayso tartanka uu inaadeerkeen Dr, Axmed Xuseen Ciise ku jiro. Sow lugaha iyo miskahaba kamaad jabin, ileen, xisbiga uu xilka ka doonaayo aad ceeb aanu gayin kula kacdee. Mise waa kaa badheedh oo weli xaasidkii ina baa’biiyey ayaad dabada haysaa.

Anigu waxaan qabaa in reerkeenu ka koro gooni isu sooca, iyo marba meesha bulsha weynta Soomaliland ku uruurto oo aynu ka cararno. Waxa dalka hogaamin kari nin ka soo dhex baxa beelaha Soomaaliland oo dhan. Ilaa taasi intiina hunguriga siyaasiga ah lihi garataan, meel gaadhimeysaan ee dadkiina wax la qabsada. Maanta oo Maxamed Xaashi xabsi gardarro ku jiro, ayaa Cismaan Hindi, mareegta uu jecel yahay ee QARANNEWS.COM IYO HAROWO.COM ka qoreen, inuu diiday oo uu eedeeyey banaanbixii loo dhigay sii-deynta madaxda Ururka Qaran.

Bal reerkeygow ammuurtan eega, Maxamed Xaashi, Cismaan oo u adeer, waana habarwadaag, waa ab ka ab dad isla soo koray, waa odaygii reerka, waa geesigii SNM, manta ma qabata inuu Cismaan waxba ka odhan waayo, weliba uu eed u jeediyo cidii u dhaqaaqday. Waxa se la yaab ah, in ninka marna leh beel ma aaminsani, marna leh talaayeey, cidi reer ahaan u hadasho. Waxa ila soo xidhiidhay 2 nin oo leh waar Axmedow ninka waa inaadeerkaa ee ka dhin.

Waan jeclaa hadduu yahay nin wax xeeriya. Waanan qaatay oo kolna sidiisa cay aan meel lahyn marinmaayo, isagana ceebeenmaayo, oo waxaan ogahay wada sheegimaayo, isagu se waxaan jirin ayuuba maciinsadaa. Waxa iga hadlinaaya, mustaqbalka dalka ee Cismaan iyo cid uu qalday qasayaan. Iyo weliba sida uu tumaatida ula dhacaayo Maxamed Xaashi Cilmi oo ciddii u gurmata uu ceeb iyo dhaleeceen u gaystay. Waxa manta si xidhiidh ah Idaacadda Hargeysa, Qarannews, iyo Harow.com is daba dhigaan ammaanta Cismaan Hindi iyo Ceebeenta Ururka Qaran iyo Xisbiga Kulmiye. Waxa uu sidoo kale Cismaan madaxa ka toogtay aqoonyahanka reerka Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo uu ciddii uu xilka ka doonaayey ula badheedhay cay iyo isagoo ku biiray kuwa Dr. Axmed ku tilmaamay cadowga qaranka iyo cadowgiisa, waa UDUB oo Axmed ku sifeeyey hadhaagii faqashta.

Haddaba inta yare ee jilib hoosaadka la dhinac fadhidaa ha ku quustaan waxyeelada culus ee uu u geystay Inaadeerkii Dr. Axmed iyo Adeerkii iyo Habarwadaagii Maxamed Xaashi. Waar ninkana waa ma naxi, keli noola ah, oon cidna u arxamin ee la bax ku dhaha oohinta yaxaaska.

Yarkeena Mohamed Abdi Hassan ( Diredhaba), Hargeysa ayaan ku ogaaye bal se ley xaqiijiyey inuu joogo, Midlands, U.K,, waxaan leeyahay sidii laguugu kalifay inaad xaal ka bixiso maqaal aad runta kaga sheegtay musuqmaasuqa fadhiya guriga ina Riyaale, waxaad noqotay shinbir baalku ka qoyey. Haddaba manta haddaad hiil qabiil u sare kacday Ilamaadeeradeen how kala hiilin amba u hiili kii xaqa ku joogo. How arkin Silaanyo nin shisheeye ah, xataa how arkin Daahir Riyaale shisheeye, dhammaan waxaynu nahay dad is yaqaan oo dal yar ku dhashay. Maxaa dhawaaqa Cismaan Hindi kuu damqay, sow kan baa’biinaaya rajadii Dr. Axmed Xuseen iyo isna waxba inagam dheere Maxamed X. M Cumar Xaashi. Waar keebaa mustaqbalka xisbigan guul gaadhsiin kara, iska dhaaf ninka marn aleh beel waan ka baxay marna noo soo baaqaaya.

Waxaan la yaabay eeda Diredhaba uu Kulmiye ku eedeynaayo xigteysi, bal ammuurta eegta, Riyaale ayaa laga hayaa hebel isma dhegeysto, allele waa ninkan kan een is dhegeysani. Waxuu ahaa ninkii Kulmiye uga tegay kolkii tolkeyn soo sharaxay Ina Mahdi, Cismaan Hindina la reebay. Hadda wiilkan Cismaan habeen ayuu xigaa. Waar haddii sidaas loo abtirsado ninka tolka halka sare qabsado ayaa wax noqda, ee ma aha nin sidaad oo kale tusbaxa abrirsiinta siyaasad geliya.

Waar ceebta inag daa sedan wax ku heli maynee. Ma iyaadan ogeyn siyaasadda kolka beel laga hadlaayo inay tahay habar-habarta, oo Kulmiye ay tahay inaad Dhegaweyne, Muuse Biixi, Ina Xaji Maxamuud, Dr. Axmed Xuseen, Jidhif, Axmed Muhumed Madar, Ina Iskeerse dhammaan kuu noqdaan ilamaadeer. Kii aad la dhacdo, ee weliba beelaha kale inaga maraaya, ayaa istaahil hiil, ee ma aha nin aan shan odayba kor uga kacayn, sida raga qaar ka muuqata.

Odayag Siilaanyo oo inaga mudan iixtiraam iyo maamuus, ha iloobin qiimihiisa oo xaqiisa mari. Hadday cidi u dhaamayso, waa in leysla eega, haddii se ninba kan xiga u cumaamado, wallee in laga shallayn, sida reer Koonfureedku yidhaahdaan.

HJ waxaan leeyahy waar fudeedkii ledydunku sheegi jiray ayaa rag hudday oo waxa meelaha lagu qoraa, waa in leydinka cadhaysiiyo. HA, HY, Ciidagale iyo Arab ee Isaaq intiisa kaleba, waxa meesha wax wadaa waa koox la bahooday Riyaale iyo casaabadiisa, magaca ay sheeganaaan waa dhalashuun ee wax wanaag ah uma hayaan. Sidoo kale ayaa reeraha kale yihiin. Reer Awdal dambiga lama wadaagaan Aw Riyaale, yaan cidna cid loo qaban. Sida inaadeerkay Cismaan Hindi wax u wadaa waa iska horkeen, ee yaan loo cararin. Xumaan iyo wanaag aynu u kala safano, ee yeynaan u kala bixin reero, waa siday rabaane.

Nimankii aan telefoonka kula hadlayna waxaan leeyahy fariinteyda gaadhsiiya Cismaan Hindi , yaanu I odhan maxaad iila soo xidhiidhi weydee. Waayo ma doonaayo inuu noqdo nin taariikh madow gala. Waa in qaladka laga qabtaa, haddii uu meel ku socdana six or ah u dhaqaaqaa isagoon cidna caayin, cidna ceebeen. Ragganimadu kuma jirto, inuu cidna u joojin waayo. Cismaan reerku waa yaqaan, ee isaga ayaan weli itaalkiisa baran.

Ahmed H Abdi

dhaboolaq@gmail.com

No comments: