Monday, September 03, 2007

Labadi Xubnood Ee Golaha Guurtidu U soo Magacabay Koomishanka Dorashoyinka Oo Golaha Wakiiladdu Ansixiyey

(Waridaad) - Fadhigii saaka ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa la horkeenay labadii xubnood ee koomishanka qaranka Somaliland usoo magacaaben golaha Guurtidu. Labadaas xubnood oo kala ahaa Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar waxa golaha wakiiladdu ku ansixiyey aqlabiyad.

Fadhigan golaha wakiiladda oo uu manta shir guddoominayay Cabdicasiis Maxamed Samaale, gudduumiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda ahna ku simaha guddoomiyaha golaha wakiiladda ayaa waxa fadhiga golaha kazoo xaadiray 63 mudane. Md Ismaacil Muuse Nuur ayaa waxa u codeeyey 63 mudane, mana jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona. Dhinaca kale mudane Xasan Maxamed Cumar ayaa isna waxa ogolaaday 62 mudane, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay hal mudane.

Codeynta liyo ansixinta labadan mudane ayaa ka danbeysay kadib wiigii hore markii golaha wakiiladda Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiden ansixinta laba xubnood oo golaha guurtida Somaliland hore ugu soo magacaaben koomishanka doorashoyinka qqaranka.

Labadan mudane ee maanta golahu wakiiladdu anasixiyey ayaa haatan si toos ah uga mid noqonaya kuna biirdi doona, haddii Eebe idmo, shanta xubnood ee kale ee komishanka doorashoyinka ee hore loo ansixiyey, haatana waxa qudha ay sugaan ay t ahay dhaarinta maxkamadda sare.

© Somaliland.Org 2007

No comments: