Thursday, September 27, 2007

UMMADDA AADAN AFKEEDA KULA HADLIN, KAMA TIRSANID

(Waridaad) - Waxa beryahan soo badatay maqaalo siyaasi ah oo rag aqoonyahani u soo gudbinayaan Soomaalida, dhammaana ku qoran afka Ingiriiska. Waa amuur aan in badan ka fakiray ujeedada kalifaysa qoraagu isagoo ummaddiisa la hadlaaya inuu adeegsado af qalaad. Mar waxaan is-idhi malaha dadkani far-Soomaaliga ma qori karaan, waxaan se taas dib u liqay, marka ay ka jawaabayaan maqaal af-Soomali ku qoran, oo weliba ay meelaha qaarkood soo qaataan, qodobo af-Soomaali ku qoran.

Waxaan xusuustay heestii Af-qalaad aqoontu miyaa. Ma laga yaaba inay dad badani sidan aaminsan yihiin. Waa yaabe miyaan taas laga ilbixin, ileen waa tan doktoor iyo dib-jir, oday iyo islaanba loo qaxay qurbaha oo weliba la qudhqudhiyey afka-qalaade. Iska daa Ingiriisoo, sowtan ayeeyooyinku ku heesaaya afka Finishka iyo kan Holland. Miyaan la garan af inu yahay af uun, oon midna mid ka xoog badnayn. Ujeedadiisu tahay isfaham dadka Illaahay ku manaystay.
Aan u noqdo ujeedada maqaalka, ee bal aynu is weydiinee, kolkaad wax qorayso, maxaad ula jeeda? Ma kaa faan iyo is muujinbaa?, Ma kaa talo dhiibadbaa? Ma waaxaad jeceshay inaad in-yar oo kula fikir ah wax u sheegto? Mise waxaad jeceshay inaad gaadho dadka igu badan ee fariintaada xiisaynaaya? Afka qalaad maa cabsibaa, oo waxaad isku qaranaysaa inaan fikirkaaga inta badani fahmin?

Haddaba qofka jecel in fikirkiisa iyo fariintiisa dadweynahu ka faa’iideysto, oo isgana lagu qiimeeyo, waxa waajib ah inuu ku qoro, afka dadku fahmi karaan. Waxaan akhriyaa fikrado badan oo afka Ingiriiska ku qoran, intooda badani wax weyn ayey ka tari lahaayeen bulshadeena, hadday afka hooyo ku qornaan lahaayeen. Qaarkoodna waxaan jecleystaa in dadweynahu ila akhriyo, si nin ay qadariyaan oo aqoonyahan isku sheegaaya, macawisto uga dhacday. Waxa xaqiiq ah in afka qalaad rag badani ku dhowrasan yihiin.

Aan u galo waxa maqaalka igu kalifay. Waxa aan aad uga naxay in warbixino aad u weyn oo ummaddeena loo baahnaa inay dhammaan fahmaan lagu qoray Af-qalaad, oo lagaga masuugay in afka hooyo lagu qoro. Waxa jiray warbixin aad u qiimo badan oo ururuka SOPRI ka qoaray dalkeena Somaliland, isagoo qiimeyn weyn ku sameeyey wax-qabadka, khilaafka, iyo qorshaha xukuumadda, Golayaasha, iyo xisbiyadaba. Waxa ayaan darro ah inaan warbixintaas lagu qorin af-Soomaali. Ma diidani in afka Ingiriiska lagu qoro, oo waa loo baahan yahy, bal se waxa habboon in mudnaanta la siiyo Afka hooyo si cidda ay wax ka qortay iyo cidda ay la talinaysaa u fahmaan.

Sidoo kale waxa jirta warbixino tiro badan oo uu qoray machadka APD, amba Akadamiyada Nabadda iyo Horumarka, oo dhammaan ku qoran afka ingiriiska oo keliya. Waxa xiga warbxino, la xidhiidho ururada caalimiga ah oo wax badan ka tilmaamay arrimaha la xidhiidha dimuquuraadiyada iyo doorashooyinka iyana waxa ay raaceen dariiqa kuwa dalka u dhashay mareen.

Waa yaan lagaa badin ee adna is-muuji inaad afka gaalka taqaanee, xukuumaddii dhammeed ee dalkaba hogaaminaysay, ayaa iyana soo adeegsatay afka-Ingiriiska. Waxa la gaadhay heer xukuumaddu u soo qadintay mashaariic sharci Golaha Wakiilada oo ku qoran Afka Ingiriiska. Shir Guddoonku isagoo ku mahadsan dhulkaba muu dhigin ee sidoodii ayuu ku ceshay, kana dalbaday in xukuumaddu afkeeda aaminto, kana xishooto ummadda ay hoggaanka u hayso.

Waxa hubaal ah in aqoonyahanka fikradaha wacan ee afka qalaad ku baahiya fariintoodu, ay ku dhacayso dhegaha in yar oon u baahnayn. Dadweynaha ay wanaaga u soo jeedinayaan ma gaadhayso. Fariintoodu waxay noqon lahayd mid arrimaha murugsan ee Soomaalida meel ay joogaanba waxa ka tari lahayd. Alla maxaan maqaal fiican is idhaahdaa yaa afka hooyo ku qora, anigoo aaminsan inay wax weyn ka bedeli lahayd is-af garadka dadweynaha soo ururin lahayd khilaafaadka bulsho.

Soomaaliyeey afqalaad aqoontu ma aha, khilaafka iyo heer-nolaleeda hoose ee aynu maantu ku jirnaa waxay u baahantay inaynu ku doodno, ku baahino fikradaha wacan ee dadweynah wax u sheegi kara afkeena hooyo. Inta maqaal fiican ee mareegaha internetka ku jirta haddii af-Soomaalil lagu qori lahaa, waxa xaqiiq ah inay giraanta is-fahamka wax weyn ka tari lahaayeen.

Waxa xaqiiq ah inaanad ka tirsanayn ummad aadan afkooda kula hadlin. Qofka doonaaya in Soomaali uu wax u sheegaa waa inuu kula hadlaa afka ay u dhasheen.Qof aan fikirkiisa afkooda ku sheegi karini, uma talin karo, lamina wadaagi karo nolashooda bulsho, siyaasi, amba dhaqaale. Waayo daruufaha ay ku jiraan lama dareemi karo. Af waliba waxuu la socdaa dhaqanka, caadada, dareenka iyo suugaanta dadkiisa. Haddaba ha noqaon nin in yar oo la maqaam ah aan dhaafin, fikirkaaga u baahi dadweynaha u heelan aqoontaada, u baahan cid wax u sheegta, u darbaan cid kala hawl gasha xoojinta nabadda, dhismaha qaranka iyo badbaadinta mustaqbalka ummadda.

Waa afkeena oo aynu ku ciil baxno iyo Ramadaan Kariim.

Ahmed Arwo

Cardiff, U.K.

samotalis@gmail.com

No comments: