Monday, September 24, 2007

Xubnihii Ugu Cuslaa Komiishankii Hore Ee Doorashooyinka Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Ku Biireen Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.

(Waridaad) - Gudoomiyihii hore ee Komiishanka Qaranka Doorashooyinka Axmed Xaaji Cali [Cadami] iyo Axmed Cali Aadan [Goodir] oo ka mid ahaa Guddidii hore ee Komiishanka Qaranka ayaa sheegay inay ku Biireen Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE.

Labada Xubnood waxay sidaa ku sheegeen qoraal ay shalay soo saareen oo nuqul ka mid ah ay soo gaadhsiiyeen Xafiiska shabakada Wararka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa.

“Sheegmo uma baahna inaanu ka mid ahayn komiishankii hore,ee sida farshaxanimada iyo garsoorka leh ku soo daadihiyey ee Sadexdii doorasho ee dalka ka hooyo ka hir-galay,iyada oo cid kasta xaq u leedahay inay isku taagto kuna qiimeyso dhinicii ay ugu muuqato,hasa yeeshee waa dhacdo taariikheed oo marag madoonta ah oo si maxali iyo caalami ah ugu qoran tahay diwaanka guulaha ee ay ku talaabsatay geedi socodka dimuqraadiyada ee Somaliland.” ayey ku yidhaahdeen qoraalkooda labada Xubnood ee Komiishankii hore ee Doorashooyinku.

Iyaga oo hadalkoosa sii watana waxay ku yidhaahdeen qoraalkooda “Si kastaba ha u soo kacaa kuftee,kol haddii la gaadhay in la an-sixiyo komiishankii cusubaa, oo xilkii loo dhaariyey taas oo aan rajeynayno inuu eebe u fududeeyo xilkaas qaran ee ay ummadu u igmatay, fursadanina waxay inoo saamaxday inaan si wax ku ool ah uga qeybqaadano loolanka Siyaasadeed ee dalka taas oo uu noojidaynayo Dastuurka qaranku iyo Shuruucda la xidhiidha Magacaabista Komiishanka”

“Halkii aan ku eekaan lahayn daawadayaal ka gacmo xidhan doorka nagala gudboon Masraxa Siyaasada” ayey ku yidhaahdeen Warsaxafadeedkoogaas ay Xalay na soo gaadhsiiyeen.

Gudoomiyihii hore ee Komiishanka Qaranka Doorashooyinka Axmed Xaaji Cali [Cadami] iyo Axmed Cali Aadan [Goodir] ayaa waxay qoraalkoodaas ku sheegeen inay si badheedha ula socodsiinayaan Xisbiyada, dadka daneeya Siyaasada inay ku biireen Xisbiga Qaran ee KULMIYE, iyada oo uu ku tala-galkayagu yahay inaan si hagrasho la’aana taabogelinta himilada Xisbiga iyo horumarinta danta guud ee qaranka.

Xigasho: Hadhwanaagnews

No comments: