Sunday, October 21, 2007

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa ugu baaqay Xukuummada Somaliland....

(Waridaad) - Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa ugu baaqay Xukuummada Somaliland,Salaadiinta, Cuqaasha,Ganacsatada,Axsaabta Qaranka [KULMIYE,UDUB iyo UCID] inay si qiiro leh ugu gurmadaan dadka ku dhaqan Gobolka Sool, oo ku tilmaamay inay dhibaato ka soo gaadhay Dagaalkii goobtaasi ka dhacay oo laga dhayaa nabaradii ka soo gaadhay, isla markaana waxa sheegay in loo baahan yahay in shacbi-weynaha ku nool Gobolka Sool in iyaga dhex-dooda mad-madowga ka jira laga turxaan bixiyo.

Sida waxa uu ku sheegay Xog-hayuhu Shir balaadhan oo ay Maanta ku yeesheen Xarunta Gobolka ee Xisbiga UDUB ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen Gudida Fulinta ee Xissbiga UDUB iyo Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga, Garabka Haweenka Xisbigaasi iyo Martisharaf kale.

Waxa kale oo uu kulankiisa ku sheegay inay Ciidanka Qaranka Somaliland u socdaan inay Xuduudaha iyo Xeebaha dalkooda inuu ka rido Cadowga, taana cid uu marti uga yahay oo uu ka baryayaa inaanay jirin, laakin uma socdaan inay galaan xuduudo kale, iyo dal kale oo aanay lahayn inay ku murmaan.

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB Bulaale waxa uu Sheegay inay Dadka ku nool Deegaanka Gobolka Sool ay u baahan yihiin Wax-qabad, Maamul iyo dhisme-ba, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi.“Waxa loo baahan yahay inay Xukuummadu tagto [Sool] oo Wasaarad walba hawshii kaga aadanayd qabato, Waxa loo baahan yahay inay hay’adaha Caalamiga ahi inay tagaan”.

Md. Bulaale waxa uu sheegay inuu u mahad-naqayo inta uu Madaxweynuhu ugu sareeyo iyo inta ka hooseysa, iyo qof walba kaalinta uu ka geystay dib u la soo noqoshada Gobolka Sool.“Waxa si gaara mahad u eh shacbiga ku nool Gobolka Sool, ee ka gadooday sharci-daradii Ciidanka Cabdilaahi Yuusuf uu soo diray ee joogay Gobolkaasi” ayuu yidhi Bulaale, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Puntland-na wax jira maaha, Cadde Muuse-na Waa Jenan Ciidan oo Cabdilaahi Yuusuf Wakiil uga ah Gobolada Bari”

Maxamed Ismaaciil Bulaale waxa uu ku dooday in lagu kala hagaagay dagaalkii ay isku hir-diyeen Xukuummada Somaliland iyo Maleeshiyada Majeerteeniya ee Muranka Gobolka Sool. “Halkaa [Gobolka Sool] wixii ka dhacay waa lagu kala hagaagay” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi.“Waxa loo baahan yahay Guurtida, Salaadiinta, Cuqaasha iyo Axsaabta Qaranku inay tagaan [Laas-caanood], oo ummadii wax qabad aan Af-ahayn, oo ficila loo geeyo, oo dib loo habeeyo ayaa ina hor-taala”

“Dadkeena [Sool] dhibaato ayaa ku dhacday Waa inaynu ka dheynaa oo nabaradii aynu ka bugsiina, waa inaynu wacyi-gelinaa waa inaynu iyaga dhexdooda reer Sool mad-madowga jira ka dhex saarnaa” ayuu yidhi Maxamed Ismaaciil Bulaale.

“Cadde Muuse waxa weeyaan Ina Muuse Maxamuud Xirsi Boqor Cismaan taariikh badan ayaa jira oo nin guda, iyo nin gababa, Boqor Cismaan iyada oo uu Talyaani eryanayo ayuu Somaliland ka soo galay, waa laga reebay oo waa laga bad-baadiyey, Xirsi Boqor Cismaana iyada oo baandadii eryanayso ayuu Somaliland ka soo galay oo waa laga reebay oo waa laga badbaadiyey.” Ayuu yidhi Bulaale

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi. “Cadde Muuse iyada oo Cabdilaahi Yuusuf iyo Ciidankiisii eryanayeen ayuu soo galay Somaliland oo waa laga reebay, sidii loo magan geliyeyna waa la ogaa. Markeynu galbinay ee uu Cabdilaahi Yuusuf aqalkiisa ku noqday halkii uu martida u ahaa ee ay gogoshu u taalay ayuu yidhi aniga ayaa leh oo Xukumaya”, isaga oo U Gabyey Madaxweynaha Mateer-teeniya ee Caddde Muuse yidhi. “Marti dharagtay reerkii haday maalkii kula doodo, Nin Subxaanaliyo sow wax aan meesha qaban maaha”

Mr. Bulaale waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse ku tilmaamay inuu seedigii yahay, oo uu Caruurtiisa abti ruma u yahay.

“Waxaynu ognahay inuu Cade yidhi Waxaan imanayaa Labida oo 65 Km u jirta Burco ama waan dhimanayaa, waxaana la yidhaahda Gaatama waa halkii ay Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdale Xasan ku dileen Koofil, Halkaa haddii uu Cadde imanayo goobtaasi waxay caan ku tahay qof dal aanu lahayn ku soo duuley oo sheegtay oo yidhi aniga ayaa Xukumaya waa inuu ku dhintaa,” ayuu yidhi Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi. “Cade haddii uu Kofilkii labaad noqonayo oo halkaa ku soo socdo Daraawiishtiina Waa joogta oo waa reer Sool”.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Xog-hayaha wacyigelinta ee Xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Malow. Iyo Masuuliyiin kale oo Xisbiga ka mid ah oo hanbalyo u diray Ciidamada jiida hore ee Somaliland eek u guuleystay inay sugaan Xuduudka.

Xig: Hadhwanaagnews.com

No comments: