Tuesday, October 23, 2007

Xukuummada Somaliland Oo Isku Raacday In Cashuuraha Dalka Laga Qaado Oo Dhan 2% in Lagu Kordhiyo si Loogu Daboolo Sool

(Waridaad) - Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Oo uu Shir-gudoominayey Mujaahid Rayaale oo shalay ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ayaa markii ugu horeysay maanta si rasmiya daboolka looga qaaday in lagu falan-qeeyey Xaalada Gobolka Sool,kadib markii ay Ciidamada Somaliland gacanta ku dhigeen maalintii Isniintii todobaadkii ay soo dhaafnay.Isla markaa waxa shirkaa la iskula af-gartay in baahiyaha ka jira Gobolkaasi si fiican loo daboolo.

Sida waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku Saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtiooyada Somaliland Md.Siciid Cadaani Mooge oo maanta nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.

Waxa Warsaxafadeedka lagu sheegay inuu madaxwaynuhu shirka usheegay in ay laga maar maan tahay in sifiican looga tageero baahiyaha kala duwan ee ka jira gobolka Sool oo in mudo ahba dayacnaa.

“Hadaba si taa looga howl galo waxa golaha wasiiradu ay isku raceen in cashuuraha dalka laga qaado oo dhan 2% in la saaro si loogu daboolo baahiyahaa ka soo kordhay gobolka.” Sida waxa lagu sheegay Warsaxafdeedka

Shirku waxaa kale oo uu isku raacay in golaha wasiiradu ay horseed ka noqdaan in mushaharkooda halbil ay ugu deqaan kuna cawiyaan baahiyaha deg dega ah ee ka jira gobolka Sool.

Shirka golaha wasiirada waxaa uu tibaaxay arimaha ugu muhiimsan ee ay laga maar maan tahay in si deg dega wax looga qabto inay yihiin nabad galyada iyo xasiloonida gobolka taas oo ay hada ku guda jiraan maamulka Somaliland ee gobolkaas iyo waftiga balaadhan ee ka socda xukuumada Somaliland iyo xildhibaanada golayaasha oo hada ku sugan magaalada laascaanood.

No comments: