Tuesday, October 16, 2007

Maamulka Puntland oo wada abaabul dagaal oo ka dhan ah xoogaga Somaliland

(Waridaad) - Magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso, Garowe iyo kuwa kale oo ku yaala deegaanada hoos taga maamul goboleedka Puntland ayaa waxa xalay ilaa maanta kasocda abaabul dagaal kii ugu weynaa ee soo wajahan maamulkaasi intii uu jiray kaasoo ay ku doonayaan iney mar kale dagaal la galaan xoogaga taageersan Somaliland ee shalay kala wareegay gacan ku heynta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaweynaha maamulka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsioo markii arintaasi ay soo shaac baxday soo afjaray socdaal uu ku joogay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, si deg deg ahna ugu laabtay magaalada Garowe, isagoo kulamana la qaatay golaha wasiirada iyo saraakiisha ciidamada daraawiishta ee Puntland, isagoo kala hadlay qaabka loo wajahayo xaalada ka sookorortay gobolka Sool, waxaana warar hoose oo ka soobaxay kulamadaasi ay sheegayaan in ay isla gaareen indagaal rogaal celis lagu qaado ciidamada Somaliland taabacsan si ay mar kale ula soo noqdaan gacan kuheyntii magaalada laas-caanood ee gobollka Sool.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Garowe ee maamulkaPuntland ayaa iyana dibed baxyo looga soo horjeedo ciidamnada Somaliland ee la wareegay Laascaanood iyo guul darada Ciidamada Puntland ka soo wajahaday Laascaanood, waxaan la sheegay in Jen. Cadde Muuse uu hogaamin doono ciidamada gurmadka ee loo diyaarinayo gobolka Sool, waxaana dhinaca kale Somaliland iyana kajira dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoog badan oo ka jira Laascaanood iyadoo magaaladaasina ay dhinacooda ku soogurayaan ciidamo aad u fara badan si ay u sii adkeeyaan difaaca magaaladaasi oo laga cabsi qayboiney warar rogaal celis qaadaan ciidamada Puntland,wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland ayaa sheegay ind hulka Somaliland u ah xuduuda rasmiga ah uu kueg’yahay meel ilaa 5-Km u jirta magaalada Garowe oo ilaa halkaa ay gaaraana aysan joogsan doonin ciidamadooda, waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa saaka hareeraha magaalada Laascaanood.

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Soomaliya

dayniilecom@hotmail.com

No comments: