Tuesday, October 16, 2007

Warsaxaafadeed uu soo saaray maanta Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland.

(Waridaad) - Maanta oo ah Isniin October 15, 2007, saacaddu markay ahayd abaaro 5:45 Subaxnimo ayay Maleeshiyada Majeerteeniya weerar qaawan oo gar darro ah kaga soo qaadeen 3 meelood magaalada Laas-Canood oo ah Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dagaal ba’an oo ka dhacay saddexdaa jiho ee Laas-Canood ka xiga dhinaca Bari, Galbeed iyo Koonfuur, jab iyo hoog ayaa loo gaystay Qawlaysatada Majeerteeniya oo ay la socdeen malleeshiyada dawlad is-ku-sheegga Gacan-Ku-Dhiigle Cabdilaahi Yuusf hoggaamiyo. Waxa cadawga loo gaystay dhaawac iyo dhimasho fara badan. Waxana laga qabtay 13 Tekniko ah iyo askar fara badan. Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa haatan ku siman meel 37 Km bari u dhaafsan magaalada Laas-Canood. Ciidanka Qaranka iyo Dadweynaha reer Sool ayaa guushan soo hooyay kuna jabiyay qawlasatada Maleeshiyada Majeeteeniya ee weerarka soo qaaday.

Dadweynaha reer Sool ee ku sugan goobaha dagaalku ka dhacay waxa loo sheegay inay ku fara adaygaan Nabad-Gelyada iyo Xasilloonida Gobolka ee wadajirka loo sugay.

Iyadoo Dawadda Somaliland ku can baxday Nabad Gelyo iyo Degenaanshe, iyaguna ay ku can baxeen qas iyo qalaanqal, Waxaannu uga digaynaa, horena ugu dignay Qawlaysatada Majeerteeniya inay joojiyaan faro gelinta ay Somaliland ku hayso, horena aannu ugu sheegnay inay ka go’antay Somaliland inay daafacayso dadkeeda iyo dalkeeda, Qalalaasaha joogtada ah iyo dhibta ay ummadda reer Sool ku hayeen inaanay dib u dhici doonin. Haddii ay cashar ku qaadan waayaan, waxa naga ballan ah in Boosaaso iyo Garoowe dhiigu qulqulan doono.

Axmed X. Dahir Cilmi

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta

No comments: