Wednesday, October 24, 2007

Maxamed Aar oo Laga Cabsi Qabo inuu Fashiliyo Sirta Ciidanka Qaranka Soomaliland

(Waridaad) - Qoraaga la yidhaa Cali Warsame ayaa dhawaan faallo ku salaysan xaqiiq dhab ah ka qoray arrimo uu ku lug leeyahay Maxamed Aar. Laakiin waxaa jira arrimo kale oo cusub oo la xidhiidha nabadgalyada qaranka oo uu Maxamed Aar ku dhex jiro oo walwal badan leh.

Inta aanana u galin arrimaha xagga nabadgalyada, waxaan buuxinayaa meelo ka banaan faaladii hore. Sida Cali Warsame sheegay, Maxamed Aar waxuu ahaa basaas u shaqayn jiray askartii Siyaad Barre. Waxaana taasi u daliil ah kulamadii uu la gali jiray saraakiishii faqashta, isagoo xaga SNM tana iska dhigaya inuu u yahay sirdoon SNM ah. Waxaa la hayaa oo nool qaar ka mid ahaa askartii Siyaad Barre ee uu Maxamed Aar sirta SNM ta u gudbin jiray. Waxaa kaloo Maxamed Aar uu dadka tusay markii uu dhawaan Soomaliland tagay, meelo ay ku aasan yihiin dad u shahiiday SNM ta oo aan hore loo ogayan halkay nolashoodu ku danbaysay. Waxayna arrintani muujinaysaa inuu Maxamed Aar ka lug lahaa dilkooda oo uu dabin u dhigay, ama ay Faqashtu u sheegtay halkay dadkaasi ku dileen.

Waxaa kaloo iyana jirtay in Maxamed Aar, oo horjooge u ahaa koox dhalinyaro ah oo SNM u sahan ah, kuna sugnaa Hargaysa, uuu ka baxsaday oo uu faqashda isu dhiibay, isagoo kashifay dhalinyaradii uu la socdayna. Qaar ka mid ah ragaasi wali lama hayo halka ay faqashdu ku gawracday, qaar waxay imika joogaan Soomaliland, qaarna qurabaha.
Dhinaca kale, arrinta dhismaha taalooyinka ee uu Maxamed Aar ku dhaqaaqay runtii may ahayn mid ku salaysan qorshe nidaamsan oo loogu danaynayo soo noolaynta iyo xasuusta mujaahidiintii ku shahiiday xorayntii dalka. Xaqiiqdu waxa weeye in arrrintani ay ahayd qorshe Maxamed Aar, oo aan dalka tagin ilaa 1988 markii faqashtu u talaabisay Jabuuti, loogu samaynayo magac uu kaga nabadgalo mujaahadiinta nool ee Soomaliland joogta ee uu codowgii faqashta gacanta u galiyay, iyo dadka taariikhdiisa hayaba. Waxaana barnaamijka badbaadinta Maxamed Aar ka shaqeeyay Cismaan Hindi, Afhayeenka madaxtooyada iyo guddoomiyaha TV ga qaranka iyo rag kale.


Basaasnimada Maxamed Aar kumay ekayn oo kaliya xilligii faqashta. Markii uu ahaa hawlwadeenka KULMIYE ee UK wuxuu hawlo basaasnimo ah u hayay UDUB, isagoo la kaashanaya xubnaha korka ku xusan iyo qaar kale. Wuxuuna KULMIYE ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan danta Soomaliland. Ulajeedadiisuna waxay ahayd inuu mansab siyaasadeed ka helo xukuumada.

Hadaba, iyadoo Soomaliland hadda ku iirto xaalad colaadeed, arrimaha amniga ee gobalkuna ay murugsan yihin, ayaa waxaa soo baxay warar cadaynaya inuu Maxamed Aar faraha kula jiro siro xasaasi ah oo ku saabsan ciidanka qaranka Soomaliland. Sirahani waxay ku jahaysan yihiin ciidamada qaranka ee jiida hore iyo guud ahaan siyaasada ciidanka ee dalka.

Waxuu Maxamed Aar xidhiidh telefoon iyo mid isgaadhsiin kaleba la leeyahay Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland oo uu la wadaagay siro fara badan oo ciidanku leeyahay. Waxaa la hayaa wadahadal telefoon oo duuban oo uu Maxamed Aar kaga sheekanayo xidhiidh uu hore ula sameeyay taliyaha Ciidanka Qaranka Soomaliland oo uu xogo ciidan kaga hadlayo. Wuxuuna xidhiidhkaasi unkamay markii uu Maxamed Aar uu dhawaan socdaal ku tagay jiida hore ee ciidanka oo uu la kulmay saraakiil Soomaliland ah iyo taliyahaba. Taliyahu aqoon hore umuu lahayn Maxamed Aar, wuxuuna u arkayay muwaadin dalkiisu u shaqaynaya.

Laakiin marka la eego taariikhdiisii basaasnimo, xidhiidhka Maxamed Aar ee ciidanka qaranku wuxuu leeyahay walwal iyo cabsi. Maxamed Aar wuxuu ka hiiliyey umadda reer Soomaliland markay ugu jilicsanayd ee la tirtirayay, wuxuu gacanta u galiyaya dhalinyaro u halgamaysa qaddiyada umadda Soomaliland saraakiishii Siyaad Barre, xilbuu uu hayay KULMIYE iyo UDUB isla wakhti, ka UDUB wuxuu ahaa mid qarsoodi ah, godob buu ka galay mujaahidiin badan oo u dhashay Soomaliland, wuxuu caadaystay been-abuurida iyo marin habaabin sida KULMIYE wuxuu ka soo horjeedaa aqoonsiga Soomaliland iyo sheegasho title shahaado aanu haysan oo ah (DR) DOCTORNIMO been ah oo uu la soo baxay markii loo dhiibay guddoomiyanimada KULMIYE, UK.

Ninka taariikhdaa laba wajiilanimada ah leh, sir bixinta caadaysatay, been-abuurida adeegsada si uu u helo darajo uu doonayo, waxaa suurgal ah inuu si fudud u noqdo basaas u shaqeeya cadawga Somaliland ee maanta sidii uu ugu shaqyn jiray cadawgii ummada ee shalay. Iyagoo ka duulaya arrimahan, waxaa dhawaan la kulmay Taliyaha Ciidanka Qaranka rag odayaal ah oo ka digay basaasnimada Maxamed Aar. Waxayna kula taliyeen Taliyaha, oo lagu yaqaano daacadnimo iyo hawlkarnimo ciidan, inuu ka digtoonaado Maxamed Aar iyo xidhiidhkiisaba.

Yusuf Odowaa

Rotterdam, NL

No comments: