Tuesday, October 16, 2007

Wefti Culus oo Somaliland u dirtay Gobolka Sool iyo Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii Laas-caanood

(Waridaad) - Wefti culus oo ka tirsan Dawladda Somaliland, oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada aqal ee Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), ayaa maanta ilaa berri la filayaa inuu u amba-baxo dhinaca Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Weftigan oo ah kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa waxa ka mid ah Wasiirrada, Horumarinta Reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde, Caddaaladda Axmed Xasan Cali (Casoowe), Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Liibaan Ducaale Casayr, Kalluumaysiga Cali Qoorseef iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamuud Faarax, Xildhibaan Dhakool iyo Xildhibaano kale.

Ujeedada ay weftigani u tegayaan Laascaanood ayaa sida uu sheegay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Baashe Maxamuud Faarax, waxa ka mid ah sidii ay Magaalada Laascaanood iyo Gobolka Sool-ba loogu samayn lahaa Maamul Somaliland ah iyo sidoo kale in dadka halkaa ku dhaqan lagu qanciyo in arrintu siyaasad tahay, balse aanay ahayn Qabiil. “Waxaanu doonaynaa in dadkii loo tago oo ay u tagaan Siyaasiyiinta ka soo jeedda Beelaha Sool wada degan, oo dadka meesha wada deganna la dhacsiiyo oo la fahamsiiyo inay meeshu ahayn Qabiil iyo Qabyaalad dhexdooda jirta, ee ay tahay siyaasad oo Siyaasad la kala raacsan yahay. Isla markaana loo tusaaleeyo inaan cidna la qabsan, Maamulka Laascaanood-na la dhiso.” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Wakiillada Somaliland. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Maamul baa isbedelay ee reeruhu isma bedelin, waana in wixii fidmo ku abuuraya la joojiyo iyo in kii reer Sool ee Puntland la jiray uu dalkiisii yimaaddo, Dhulbahante-na ka wada hadlo siday dantooda uga tashan lahaayeen. Sidaa darteed dadka la soo dhaweeyo, maamul loo dhan yahay oo qolo waliba wixii ay xaq u lahayd ay qaadato in la dhiso ayaanu rabnaa, mana rabno sidii tii hore oo dhinac ka rarnayd.”

Bixitaanka weftigan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii uu shalay dagaal dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Puntland ka qarxay deegaannada Laascaanood ee Gobolka Sool. Taas oo ugu dambayntii ay Ciidamada Sool gacanta ku dhigeen Magaalada Laascaanood, oo sida ay wararku sheegayaan 37km dhinaca Galbeed u dhaafeen Magaalada. Isla markaana sida ay warar Madax bannaan oo ka imanaya jiiddaasi sheegeen ay Ciidamada Somaliland ka qabsadeen Puntland 35 Maxbuus iyo 12 gaadhi oo 9 ka mid ahi yihiin Tikniko. Maxaabiistaas oo sida lay sheegay hadda loo soo gudbiyay dhinaca Magaalada Burco. Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha dhimashada ee soo gaadhay Ciidamada Puntland, haddana waxay wararkaasi madaxa bannaani sheegayaan in Ciidamada Somaliland ay dagaalka kaga dhinteen 4 askari, 15-kalena kaga dhaawacmeen.

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com

No comments: