Tuesday, November 06, 2007

Alqaacidda oo puntland saldhig ka dhigatay

(Waridaad) - Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Boosaaso, kana gaabsaday in magacooda la xuso ayaa xaqiinaya in saddex xubnood oo ka tirsaneyd ururka Al-qaacida oo uu Mareykanku ku eedeynayey in ay ka danbeeyeen qaraxyadii Ogoosto 1998-dii lala beegsaday safaaradaha dalalka Mareykanku ku leeyahay magaalooyinka Nairobi & Daareslaam ee dalalka Kenya & Tanzania, in xubnahaasi lagu hayo goobo qarsoodiya oo ka mid ah gobolka Bari ee dalka Soomaaliya.

Waxaana xubnahaasi ka mid ah Fazul Abdullah Mohammed oo loo yaqaan Haarun Fazul oo la sheegay in uu yahay xubin muhiim ah, kana tirsan Al-Qaacidada ka hawlagasha Geeska Afrika, sidoo kale, waxaa ka mid ah xubnahaasi Salax Nabhani oo warar horay u soo baxay ay sheegeen in lagu dilay gudaha Soomaaliya in xubnahaasi lagu hayo goobo qarsoodiya oo ka mid ah gobolka Bari ee dalka Soomaaliya.


Xubnahan ayaa la sheegay in qaarkood ay ku sugnaayeen xuduudda dalalka Kenya & Soomaaliya muddo ku dhow sanad, ayna ka qeybaaateen dagaaladii u dhexeeyey golihii maxaakiimta & ciidamada Itoobiya, waxeyna wararku sheegayaa in ujeedada socdaaalkoodu la xiriiro sidii ay tababar dhinaca ciidamada ah u siin lahaayeen boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo horjeeda Puntland, loona diyaarinayo in ay ka qeybqaataan jihaadka ka dhanka ah ciidamada Itoobiya, waxeyna xubnahaasi tababar ku bixin doonaan goobo u dhexeeya magaalooyinka Boosaaso & Qardho

Xubno uu ku jiro madaxweynaha & xubnaha labada gole ugu jira beelaha Puntland ayuu hadalkani dhabar jab weyn ku noqonayaa, maadaama xubnahaasi ay mar walba ku eedeeyaan kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dagaalada kula jira in ay yihiin wax ay ugu yeereen argagixiso, haddii xubnihii argagixisada ay ku sheegayeen lagu sheegay in xilligan ay dhaqdhaaq ka wadaan goboladooda sida xaaladoodu noqon karto.

Sareed Jamac dayniile, Boosaaso

No comments: