Monday, November 05, 2007

BEESHA REER GEEDI[CIISE] OO TAAGEERTAY HAWLGALKII CIIDANKA QARANKU KULA WAREEGEEN LAASCAANOOD

(Waridaad) - Beesha reer Geedi-(Ciise)-ee deegaanka xariirad ayaa xukuumada soomaaliland iyo ciidamada qarankaba ku hambalyeeyay hawlgalkii lagu xoreeyay magaalada laascaanood ee xarunta G/sool isla markaana waxa kale oo ay bayaamiyeen inay diyaar la yihiin taageero kasta oo looga baahdo.

Byaan ay ku sexeexan yihiin xubno ka mid ah duqayda beesha reer Geedi ee deegaanka xariirad oo ay soo gaadhsiiyeen xafiiska Jamhuuriya ee Boorama waxa kale oo ay ku sheegeen inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga Udub iyo madaxwayne Rayaale oo ay horeba beeshu taageeradeeda u siisay.

Waxaanay ku yidhaahdeen bayaankooda"Anaga oo ah beesha reer Geedi waxaanu ugu hambalyaynaynaa madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo ciidanka qarankaba guushii taariikhiga ahayd ee ay ka soo hooyeen gobolka Laascaanood[sool], kulamo ay beeshu yeelatayna waxaanu isla qaadanay isla markaana aanu diyaar la nahay taageero kasta oo hiil iyo hooba ah oo aanu la bar bar taaganahay madaxwaynaha iyo ciidamada qaranka ee ku hawlan difaaca qaranimada soomaaliland anaga oo markasta ka soo horjeednay faragalinta qaawan ee ay maamulka majeerteeniya deegaankaa ka wadeen.

Waxa kale oo ay beeshu go,aansatay isla markaana aanu cadaynaynaa inaanu si buuxda u taageersanahay xisbiga talada haya ee Udub oo ay beeshu horeba codkeedii u siisay".

Magacyada xubnaha bayaankan ku sexeexan

1-Sheekh Xuseen Barkhad

2- Daahir Axmed Cali.

3-Cabdi Ducaale Cismaan.

4- Xuseen Caafi Kaamil.

5-Cawaale Daahir Rooble

6- Maxamed Cabi Boqore

7-Mustafe Jaamac Barkhadle


Cabdiraxmaan Mahamed Habane

Borama News Network

No comments: