Monday, November 05, 2007

“Somaliland Annaga Ogolaansho Noo Weydiisan Mayso Inay Qabsato Laas-caanood”Ambassador Wubishet Demisse

(Waridaad) - “Annaggu horeyso iyo dambaysaba waxa aanu labada dhinaca ee Somaliland iyo Puntland-ba kula talin jirnay inay arrinta wada hadal ku dhamaystaan oo aanay wax hadal gooyo dagaal ku doonin, markii ay Puntland soo galaysay Laascaanood annaggu maanu ogayn, markii dambena Somaliland iyo iyagaba waxa aanu kula talin jirnay inay arrimahooda kale ee xagga horumarka ka shaqeeyaan oo ay arrintaasi dib u dhigtaan” Sidaa waxa yidhi, Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Ambassador Wubishet Demmisse oo u waramayay Wargeyska Haatuf shalay.
Wakiilka Itoobiya waxa uu dhinac iskaga riixay inay dawladda Itoobiya wax faro-gelin ah ku lahayd arrimaha ka socda gobolka Sool, waxaanu intaasi ku daray, isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha warar maalmahanba la isla dhex qaadayay oo sheegayay inay bishii ina dhaaftay dawladda Itoobiya isku dayday inay dhex-dhexaadiso Somaliland iyo Puntland, waqtigaasi oo ay Addis Ababa ku sugnaayeen Madaxweynaha maamulka Puntland Cadde Muuse iyo wasiiradda maaliyadda iyo arrimaha debadda ee Somaliland, Cawil Cali Ducaale iyo C/laahi Maxamed Ducaale, waxaanu yidhi. “Somaliland annagga ogolaansho noo weydiisan mayso inay qabsato Laascaanood, waana arrimaheeda gudaha, iyada ayaa xor u ah sida ay u maamulayso, laakiin annagu talo saaxiibtinimo ayaanu marwalba siin jiray, mana aha qasab in taladayada la qaato, Somaliland-na annagu waxba uma yeedhino, oo haddii ay Somaliland wasiiradeedu tagaan Addis Ababa maaha macnaheedu inay ogolaansho u soo weydiisanayaan Itoobiya inay qabsadaan Laascaanood, siday sheegtayna Somaliland waa la soo weeraray markaasi ayayna dib iskaga caabiday oo ay Laascaanood qabsatay. Horeyso iyo dambaysana waxaanu labada maamul ee Puntland iyo Somaliland-ba kula talin jirnay in arrinta Laascaanood aan wax weyn la iskaga dhigin ee ay labada dhinacba danahooda kale qabsadaan, laakiin iyaga ayaa yaqaan sida ay arrimahooda gudaha uga talinayaan”.

Hase yeeshee, Ambassador Wubishet mar aanu weydiinay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ay wax saamayn ah ku yeelatay, dagaalada ka dhacay magaalada Laascaanood dhawaan, maadaama oo sida uu sheegay ay hore ugula talin jireen Somaliland in aanay wax dagaal ah qaadin waxa uu yidhi. “Somaliland xaq ayay u leedahay inay talaabadda ay doonayso qaado, annaguna uma yeedhino sida ay arrimaheeda u maaraynayso, waxaanan kuu sheegayaa in markii ay labada wasiir ee Somaliland Addis Ababa joogeen aanay Itoobiya isla soo qaadin wax ku saabsan arrimaha Laascaanood iyo Puntland toona. Ta kale haddii talo lagu siiyo qaado ama ha qaadanin weeye, laakiin xoog maaha.

Xagga xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya xidhiidhkoodu waxa uu ku dhisan yahay iskaashi labada dhinacba u dan ah, oo aan Itoobiya oo keli ah u dan ahayn, isla markaana Somaliland annagu ma maamulo ee way madax banaan tahay, taladuna waa qaado ama ha qaadan, danaha naga dhaxeeya annagga iyo Somaliland-na waxba u dhimi mayso talaabada ay Somaliland qaaday, sababta oo xaq ayay u leedahay inay qabsato Laascaanood annagana ogolaansho noo soo weydiisan mayso”.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi. “Sideedaba colaada ka taagan koonfurta Somalia sidii loo maarayn lahaa ayay beesha caalamku ku hawlan tahay, taladayaduna waxa ay ahayd in dagaalo ka qarxa Laascaanood ay saamayn ku yeeshaan hawlaha xasilinta ee Somalia ka socda, balse Somaliland iyo Itoobiya xidhiidhkoodu wuu ka duwan yahay waxaasi oo dhan, waxaana weeyaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa, xidhiidhka labada dhinacna loo sii horumarin lahaa, kaasi oo ku dhisan dano iyo ujeedooyin qoto dheer oo horumarineed oo labada shacaba u dan ah, kaasi oo ah ganacsiga, nabadgelyada xadka iwm”.

Xigasho: Haatuf.net

No comments: