Sunday, November 04, 2007

Maxamed Dheere iyo Cabdiqeybdiid dadkii ay xukumi lahayeen cadow ku ah, halka madaxdda Puntland ay u qeylinayaa magaaladda Laascaanood

(Waridaad) - Markaad fiiriso labada masuul ee kala ah Maxamed Dheere iyo Cabdiqeybdiid oo midna uu xukumo Gobolka Banaadir iyo ciidanka booliska Soomaliyeed waxaa kuu soo baxaayo dad aan u naxeynin shacabkii ay sheeganayeen in ay xukumaan maxaa yeelay dadkoodii ay Bari ka sugayeen in ay u codeyaan ay maanta raali ugu yihiin in la xasuuqo waxaase is-weydiin mudan madaxdda Puntland miyey ka dhiig iyo dad nimo xunyihiin maxaa yeelay magaalada Laascaanood oo qabiilkii isla dhashay kala qabsaday bay madaxda Puntland iyo kuwa ku jira DFMG ee kasoo jeeda deegaanada Puntland ay habeen iyo maalin ugu doodayaan halka Maxaed Dheere iyo Cabdiqeybdiid ay raali ugu yihii dadkoodii oo loo soo kireystay Itoobiyaan habeen iyo maalina ku xasuuqayaan madaafiic aan loo madayin iyo shacabka ay soo qabtaan ay gooracayaan marka ma dhiigii baa Saliinga niigala shibtay mise aqoontiina dadnimo ayaa halkaas idin gaarsiisay.



Markaad fiiriso habdhaqanka labada masuul waxaad isledahay waa kuwa dad cun ah oo aan waligood naxariisan naxariista rabina ay aad uga fogdahay maxaa yeelay dadkoodii baa la xasuuqayaa iyagaana jaran jaro looga dhiganayaa sidii Cali Maxamed Geedi jaran jarada looga dhigtay markii dadkiisii lagu xasuuqay oo dantii laga lahaa laga gaaray haraanti dabada looga dhuftay marka sida hada muuqatana waxaa la hubaa meeshoow maray in aad mari doontaan Cali Geedi marka inta aadan bari soo qeylina oo aadan u dhihina arinta sidaa uma maleyneyn hadaba dadkiin u dooda oo rag iska dhiga maxaa yeelay sharfta danimo waxay ku jirta a xaqood u hiilisa walaahi Adis-ababa hadaan maanta qabsan lehedeen madaxooda idnkama yeesheen in dadkooda aad xasuuqdaan marka maxaa idiin diiday ficilka mise sidaan baa dad nim moodeen oo aad u shaqeyneysaan gumeysiga ogsoonaada waligiin taariikhda idinkama hari doonta kuwa dadka soo xasuustaan baad noqon doontaa ee inta aad hadda wax qaban kartaan wax qabta inta idinkoo waxba qaban karin aad qeyli doontaa.

Xafiiska wararka ee , Muqdishodayniilecom@hotmail.com

No comments: