Saturday, November 03, 2007

Md. Ahmed Adan Cali (Goodir) oo kulmiye u magacaabay xubinta gudiga qaranka u matalaysa

(Waridaad) - Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa magacaabay, una gudbiyey Madaxweyne Xigeenka Somaliland Md. Ahmed Yuusuf Yaasiin Xubinta Xisbiga Kulmiye u matelaysa Gudida Qaranka ee ka arriminaaya Arrimaha Gobolada bari.

Xubintan waxa uu Xisbiga Kulmiye u magacaabay Md. Ahmed Adan Cali (Goodir) oo ka mid ahaa Xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Magacaabista xubintan Xisbiga Kulmiye ayaa daba socota dhawaaqii Madaxweyne Rayaale uu ku magacaabay Gudida heer Qaran ee ka arriminaaya Gobolada bari, gudidaas oo uu Madaxweynuhu sheegay in Xisbiyadu min hal xubin soo magacaabaan, Golaha Wasiirada oo laba Xubnood soo magacaabayaa, iyo Goleyaasha Barlamanka oo laba Xubnood soo magacaabaya, xubnahaas oo dhamaantood loo gudbinaayo Madaxweyne xigeenka oo gudidaas Guddoomiye u ah.

Warqada Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku magacaabay Gudidan oo uu ku socodsiiyey Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Ahmed Yuusuf Yaasiin waxa ay waxa ay soo baxday 30.10.2007, Ref-keeduna waxa uu ahaa JSL/m/mx-241/3-473/102007.
Gudidan uu Guddoomiyaha u yahay Madaxweyne xigeenka Somaliland waxa la filayaa inay goleyaasha Qaranku si dhakhso ah ugu soo gudbiyaan Madaxweyne xigeenka, isla markaana waxa laga rajaynayaa inay guddo galaan hawlaha loo igmaday.

Waridaad media centre

No comments: