Friday, December 14, 2007

Baaq iyo Baraarujin: By Mohamed Khawi.

(Waridaad) - Baaq iyo Baraarujin: By Mohamed Khawi.

Dhalad Dhulbahante: Su’aal is waydiin mudan; Dhulbahantow maxaad ka tiri Baaqii Boocame ee dagaal ooga ahaa? Maxaadse ka tiri jawaabtii gogol fidinta Guurtidii Burco? Tashwiish, u jeedda badan, ayaa niman qaswadayaal oo maangaabihi idinka iibinayaan.

Sida ‘horta ha muujiyaan Guuratada Burco niyadsami oo ha eedeeyaan maamulka Somaliland.’ Mr. Qaswadow, malaha shaqadaa kugu cusube, eedaynta waxaa ka horeeya, gogol fidin, gorgortan, gorleyn, garqaad, iyo go,aan Guurti! Mase ogtahay, inaan wali Dhulbahante lagu eedayn Jaalanimadii dawladii hore ku burburisay umadda Soomaaliyeed, siiba Somaliland iyo Puntland. Ma ogtahay, maandhe, xigmad yarrow, haddii uu fashilo ama lagu fashilo baaqa Boocame, iney xaal rag iyo xeerba tahay in Isimaddu mas-uuliyada qaadaan oo is wada casilan?
Lam arag, lamana maqal ,rukun xilkas ah oo ku baaqa dagaal sokeeye isagaan habraacin xeerkiii iyo xuma reebkii sooyaalka ahaa; Cagtu hadaasho caqlina ha taliyo! Ma ogtahay, maandhoow in labada beelood ee lafdhabarka u ah somaliland iyo Puntland (Isaaq iyo Majeerteen) ey yihiin bir finiin ka harey oo leysugu tagey, marka la’eego dubihii siyaad barre iyo dooxatadii Xamar?.

Read more

No comments: