Friday, December 14, 2007

Xisbiga KULMIYE oo sheegay inuu hakinayo wadashaqayntii ay la lahaayeen Madaxweyne Riyaale: Warmurtiyeed xisbigu kaga hadlay xaaladda Dalka

(Waridaad) - Hargeysa (Somaliland.org) - Xisbiga ugu weyn ee Mucaaridka ee KULMIYE ayaa sheegay inuu hakinayo wada-shaqayntii kala dhexaysey Madaxweyne Daahir Riyaale inta uu ku sii socdo kelitalisnimada, ku tumashada sharciga, isla markaana ay xabsiga ku jiraan siyaasiyiinta ururka Qaran.

Xisbiga KULMIYE waxa uu go’aankaas ku sheegay warmurtiyeed uu maanta soo saaray oo uu kaga hadlay xaaladda dalka, dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, ku-dhaqanka sharciga, doorashooyinka, maamulka iyo xadhigga siyaasiyiinta ururka Qaran. Waxana uu xisbigu ku sababeeyey hakinta wada-shaqaynta xukuumadda, markii ay arkeen in Madaxweyne Riyaale uu dhegaha ka furaystay talooyin xisbi ahaan ay siiyeen oo ah inuu ixtiraamo shuruucda dalka iyo talooyin waxgaradka ummaddu u jeediyeen oo uu ugu dambeeyey go’aankii guddidii dhexdhexaadinta khilaafaadka golayaasha iyo weliba dhinacyo kale oo badan oo ay ka mid yihiin beesha Caalamka ee danaysa Somaliland.

Read more

No comments: