Thursday, December 13, 2007

Garaad Saleebaan Iyo Abaabulka Dagaal Ee Uu Ka Wado Garoowe

(Waridaad) - Garoowe (Somaliland.Org) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah madax dhaqameedyadda magaaladda Laascaanod ayaa wareysi uu siiyey shebekadaha internetka qaar ka mid ah sheegay in uu Garowe u joogo abaabul dagaal oo lagu qaado Somaliland. Garaadka oo ah madax dhaqameed ayaa sida muuqata carabka ku adkeeyey in aanu wadin ‘abaabul nabadeed, laakiin uu wado abaabul dagaal’.

Hadaba qarnigan isaga ah ee aynu ku jirno waxa cajiib ah sidan dhaqan guurku ugu dhacayo umadda Somaliyed oo madax dhamaqameedkii u noqdeen dagaal oogayaall, adduunkiina is qalabaa gediyayo.

Read more

No comments: