Wednesday, December 12, 2007

Hambalyo Beesha Garxajis Oo Ka Socota Beesha Reer Nuur

(Waridaad) - Xubno isugu jira siyaasiyiin aqoonyahanno iyo madaxdhaqameedyo kasoo jeedA garabka Muccaaradka ah ee Beesh nuur Yonis (samarroon),ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Salaadiinta ,Cuqaasha ,iyo siyaasiyiinta Beesha Garxajis (Isaaq0 ee dhawaanta kasoo guuray xisbiga UDUB ,kunasoo biiray xisbiga KULMIYE .Qoraalkan oo ahaa mid qoraal ah soona gaadhay harowo, ayaa u qoraa sidan.

” Annagoo ka kooban madaxdhaqamedyo ,odayaasha ,aqoonyahanno,iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Reer Nuur ee sida weyn u taageera xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ,waxan hambalyo iyo bogaadinba u diraynaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka miisaanka leh ee kusoo biiray xisbiga Kulmiye ,iyo sida ay u muujiyeen dareenkooda xambaarsan waddaninimada ,waxa kale oo an hambalyo bogaadin u gudbinaynaa salaadiinta ,siyaasiyiinta ,iyo waxgaradka kale ee horkacayey ama hoggaaminayey ergooyinka miisaanka iyo sharaftaba leh ee kusoo biiray xisbiga Kulmiye ,kuwaasoo ku tilmaamay muwaadiniin dhab ah oo ka damqaday xaaladda xun ee dalku ka marayo dhinaca siyaasadda iyo nolosha ,maamuilka dawladnimo iyo horumar la’aanta shicibka taasoo u baahan gurmad taxaddir leh .

Read more

No comments: