Monday, December 10, 2007

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo u ambabaxay Gudashada Xajka

(Waridaad) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta u ambabaxay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, isaga oo ka qaybgelaya gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan.

Guddoomiyaha, mudane Siilaanyo oo saaka subaxnimadii hore ka dhoofay Gegida Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa isaga oo ay weheliso xaaskiisa, Marwo Aamina-weris Sh. Maxamed, waxa sii sagootiyey xubno ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha oo ay kula kulmeen qolka Marti-sharafta ee Madaarka Hargeysa weriyayaal ka socdey Radio Horyaal iyo Shabakadda Wararka ee Somaliland.org, wax yar ka hor intii aanu halkaa ka dhoofin, waxa uu sheegay inuu u baxayo gudashada Xajka, sidaas darteed aanu ka hadlayn wax siyaasad ah. Waxase uu u duceeyey shacbiga Somaliland, guud ahaan dadka Muslimiinta ah iyo xujaajta uu ka midka yahay ee sannadkan gudanaysa waajibaadka Xajka.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in xajkaa aanu maanta u baxnay ee aanu niyeyney uu naga aqbalo. Dadka reer Somaliland iyo muslimiinta guud ahaanna waan u soo ducaynayaa oo aanu illaahay ka baryaynaa inuu caafimaad iyo nabadgelyo iyo wadajir siiyo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com

No comments: