Sunday, December 09, 2007

Kaalinta warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland ma buuxin kartaa ta Qaranku?

(Waridaad) - Iyada aan Warbaahinta Qaranku marnaba buuxin karin baahida loo qabo wararka iyo wacyi gelinta iyo kor u qaaddida garaadka mujtamaca ee dhinacyada adeegyada dawladdeed, nadaafadda iyo caafimaadka, nabadgelyada, sharciyada, waxbarashada iwm, iyo baahinta magaca Somaliland ee caalamka, ayaa haddana la odhan karaa may gudan xilkeedii xukuumadihii u kala dambeeyay Somaliland.

Warbaahinta Qaranka oo dhaqaaleheeda laga bixiyo khasnadda dhexe ee qaranka, waxa ka xaaraan ah inay ku milanto loolanka siyaasadeed ee xisbiyada ama ay u xagliso xisbi ama siyaasi gaar ah. Ku hadalka afka wasiir iyo madaxweyne meelnaba kagama jirto hawsheeda, sida aan BBC-da oo dawladda Ingiriisku bixiso kharashkeedu aanay ugu hadlin afka boqoradda ama ra’iisal wasaaraha dalka Britain. Sidaasoo kale Somaliland waxa ka jira afhayeen madaxweyne iyo kuwo wasaaradeed oo ay iyaga xilalkooda tahay inay ku hadlaan afafkooda. Xaqiiqadu siday tahayse Warbaahinta Qaranka ee Somaliland looma maamulo sida sharcigu dhigayo, waxana adag in loogu yeedho Warbaahin Qaran. Waxay isu beddeshay mid ku hadashaa afka xisbiga talada haya iyo madaxweynaha iyo wasiiradiisa, waxayna ka leexatay dhexdhexaadnimadii iyo inay kobciso kana shaqayso danta guud ee ummadda korna u qaaddo magaca dalka. Badi barnaamijyada laga baahiyo warbaahinta qaranka waxa qaatay ammaanta iyo difaaca madaxweynaha iyo wasiiradiisa iyada oo wakhti kalena ku lumisa weerarada axsaabta mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta ama cidkasta oo ka fikir duwan xisbiga talada haya.

Sii akhri maqaalkii oo dhan

No comments: