Monday, December 10, 2007

Hallooow, Madaxweyne!!!!!

(Waridaad) - Akhristayaal, waa barnaamijkii Helloow Madaxweyne, oo ah qormo aanu ugu tallo galnay inaanu Madaxweynaha ugu gudbino waxyaabo ka dhaca wadanka oo saamayn leh, kuwaas oo laga yaabo inaanu Madaxweyne Rayaale ka war qabin amaba aanu miisaankooda dareensanayn. Qormadaas oo aanu Madaxweynaha ugu gudbino qaab su’aaleed, waxa ay ku bilaabantay sidan:..

Mudane; Madaxweyne sida aad ka warqabto, waxa Sannadkan dhammaadka ah ee 2007 Somaliland ka dhacay arrimo ku saabsan Xuquuqal Insaanka oo soo jiitay indhaha bulshada Caalamka. Bal u fiirso xadhigii suxufiyiinta Haatuf, xadhiga siyaasiyiinta QARAN, qaddiyadda Shuro-net iyo weliba arrimo kale. Madaxweyne; waxa arrimahaas Somaliland ku cambaareeyay hay’ado miisaan iyo magac ku leh dunida sida Hay’adda Amnesty International iyo kuwo kale, waxaanay warbixin sannadeedkooda ku soo dari doonaan arrimahaas oo dhan. Sidaas daraadeed ma ogtahay in Somaliland sannadkan warbixinaha hay’adaha xuquuqal insaanka caalamka ee ku tacadiga xuquuqda Aadamiga ka geli doonto meel sare?Madaxweynoow, waxa Somaliland saamayn xoogan ku yeeshay muddooyinkii u dambeeyay sicir barar saamayn culus ku yeeshay qoysaska danyarta ah ee ka midka ah dadka aad codkooda ku fadhido. Guddi ayaad u magacowday arrintaas, laakiin waxa la leeyahay guddi la magacaabo oo aan weliba miisaankoodu buurnayn waa laga wanaagsanyahay. Adigu ma waxaad xal u aragtaa in guddi la magacaabaa dejin doonto sicir bararka?

Madaxweyne, ma ogtahay in dalka Senegal oo aynu xidhiidh leenahay uu dhawaan la kulmay sicir barar iyo xaalad adag oo dhaqaale. Mudane Madaxweyne, mala socotaa qaar ka mid ah tallaabooyinkii uu Madaxweynaha Senegal Mr. Abdoulaye Wade, ku xalliyay dhibaatadaas dhaqaale ee dalkiisa ku habsatay.? Tallaabooyinkii uu ku dhaqaaqay waxa ka mid ahaa inuu dhimay Mushaharkiisii, inuu dhimay tiradii golihiisa wasiirada, inuu dhimay mushaharkii xubnaha Golaha wasiirada iyo arrimo kale. Sidaas daraadeed mala odhan karaa adiga iyo saaxiibkaa Abdoulaye Wade, waxaad tihiin kaaf iyo kala dheeri.?Mudane Madaxweyne; dhawaan waxa aad kormeer ku soo martay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha xukuumadaada. Kormeerkaas oo intii aad ku gudo jirtay aad ku tilmaantay mid shaqo, waxa aad kula kulantay waxyaabo inta badan dhegahaagu maqli jireen laakiin aad u arki jirtay xin iyo xaasid siyaasadeed, kuwaas oo ah inaanay qaar badan oo ka mid ah wasiiradaadu ka soo xaadirin xafiisyadooda. Haddaba Madaxweyne; mar haddii aad xaqiiqdii indhahaaga ku soo aragtay amaba aad soo taabtay dhiisha gunteeda maxaa tallaabo ah ee aad qaaday.? Maxaadse shacbiga ku qancin doontaa, maadaama dadkii aad xilalka ugu dhiibtay aanay u shaqaynayn.?

Madaxweyne, waxa aad dhalasho ahaan ka soo jeedaa gobolka Awdal, waxaana gobolkaas Xarun u ah magaalada Borama. Ma ogtahay in Borama tahay magaalada ugu jidadka xun magaalooyinka Somaliland, marka la joogo gudaha magaalada iyo marka la galayaba?Dhawr bilood ka hor waxaad balan qaaday inaad bishiiba mar ummadaada la hadli doonto si aad ugu xog waranto. Inkasta oo lagugu eedeeyo in balamaha aad qaado aanay waxba ka fulin, haddana bal taas u dambaysay ee ah inaad bishiiba mar la hadli doonto shacbiga, halkee ayay ku dambaysay.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

No comments: