Tuesday, December 11, 2007

Sheeko Leh Madadaalo, Murugo, Yidiidilo, Guul, iyo Faan Weyn oo Ku Saleysan Taariikhda Somaliland, (Qaybtii 2-aad)

(Waridaad) - Markii, rijiimkii fashiistaha aha ee umolo dooxa ahaa ee Horor Siyaad Bare iyo intii lagu sheegi jiray inay yihiin “Ehelka Kacaanka” ee sida lixaadka leh loo hubeeyey ee ka garab dagaalamayey, lagaga soo adkaaday jiidaha xadka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, miyiga ku xeeran, tuulooyinka, degmooyinka, iyo badanaa magaalooyinka meel dhexaadka ah ee Bariga iyo Galbeedka dalka, dagaalkiina uu weli si xawli ah u socdo, waxa ay markaas Faqashtu go’aan sadeen in gebi ahaanba la Isir Gumaado shacbiga Somaliland gaar ahaan Besha Sheikh Isxaaq ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn sida Burco, Berbera, Hargeisa, iwm inkastoo aaney ogeyn jabka iyo hooga ku soo maqan iyo sida loogu dhaaranayo taasoo ku cad o fiidhiyowgan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=1bQDE4tJvcQ

Hadaba, iyadoo xaal halkaas maraayo, ayey libaaxyadii sooma jeestayaasha ahaa ee SNM ka war heleen, in Faqashtii ay hada si xawli ah u fulinayso halgaladoodii Isir Gumaadka dardar weyna, ay geliyeen inay dadka rayidka ah iyo maatada gaar ahaan dumarka, caruurta, iyo dadka waayeelka ah ee jilicsan ee aan waxba galabsan, ay intay si xun oo waxaashnimo ah ay suuqyada iyo guryahooda ka soo uruuriyaan una jidh dilaan dabeetana, intay boqol boqol laba dibble isugu xidh xidhaan ka dibna, ay ama gawracaan ama baas wada mariyaan; maydadkoodana ay iska rogooyin ku qaadaan oo ku guraan xabaalo wareedyo qarsoodi oo cagaf cagafyo hore ugu qodeen si aan loo ogaan isir gumaadka socda.

Isagoo dhan sii akhri

No comments: