Wednesday, December 12, 2007

Madaxweyne Riyaale oo Golaha Guurtida u soo jeediyey inuu muddada xilka u kordhiyo Golayaasha Deegaanka

(Waridaad) -Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta u gudbiyey Golaha Guurtida soo jeedin uu kaga dalbanayo inuu u sharciyeeyo golayaasha Deegaanka dalka muddada xilka, si waafaqsan heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku dib ugu riixeen doorashooyinka deegaanka.Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge, madaxweyne Riyaale warqadda soo jeedinta ee uu u dirtay Golaha Guurtida, ogeysiinna uu ka siiyey Saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa uu ku sheegay, “Sida aad ka war qabtaan mudada xilka Golayaasha Deegaanka Jamhuuriyada Somaliland waxay ku eg tahay 15-ka December 2007. Waxa kalood la socotaan in saddexda Xisbi Qaran, UDUB, KULMIYE iyo UCID iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay ku heshiiyeen in doorashada deegaanada dib loo dhigo ilaa 1-da July 2008.

Read more

No comments: