Monday, December 24, 2007

Jaaliyadda reer Awdal ee Ottawa oo taageersan musharxnimadda Eng: Cabdiraxmaan Saylici

(Waridaad) - Dhamaan hadaanu nahay bulsho weynta reer Awdal ee degan Waqooyiga Maraykan, waxaan taageero u dirayaan, Eng: Abdiraxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo dhawaan iclaamiyey in u-taagan yahay tartanka musharaxa kulmiye uga qayb gali doona Doorashada Madaxtooyada JSL ee 2008ka

Haddaba, hadaanu nahay qurbo-jooga reer Awdal ee ku dhaqan cariga Kanada, waxaanu taageero u diraynaa nuurka u soo if-baxay ummadda reer Awdal isagoo ugu balan qaaday hadduu Eebe la garab galo, horumar iyo barwaaqo, kuna dadaali doono in uu ummaddiisa ka dul-qaado aqoon-darida , horumar la,aanta iyo caafimaad xumadda dalku ku sugan yahay xiligan.

Waxaanan Eebe uga baryeynaa dadaalkaa uu inoo muujiyey in guule la garab galo. Iyadoo aynu ognahay inuu Cabdiraxmaan yahay halyey daacad ah oo u dhashay katri iyo xilqaadnimo, kuna soo taaba-qaaday ilaa yaraantiisa.

Haddii taariikhda Cabdiraxmaan dib loo milicsado, wuxuu yahay nin udub dhaxaad u ah reer Awdal, isla markaana ah nin hal-adayg leh, howlkarnimona ku dheehan tahay, iyaddoo aaminimo iyo daacadnimo u dheertahay astaamahaa.

Cabdiraxmaan oo ku caan ah inuu mar kastaba ka horaysiiyo dantiisa gaarka ah ta bulshada reer Awdal iyo Somalilandba, uu noqon doono nin ummaddiisa dhexdexaad u ah, hagar la’aana ugu shaqayn doono, isagoo mar kastaba xeerinaya danta dadweynuhu, ajiibi doonana halkay u arkaan inay taladu ku haboon tahay, isagoo ka shidaal qaadanaya rabitaanka codbixiyaashiisa iyo aragtiyahooda kala duwan.

Magacyadda taageerayaasha oo kala ah sidan:


Hashi Abiib
Maxamed Xuseen Hadi
Maxamed Abdi Dhider
Cismaan Roobleh
Cali Barkhad(Cali Diig)
Ibraahim Xuseen (Wiqiyo)
Xasan X. Ibraahim Kheyreh
Abdirahmaan Dubeeco
Xasan Cali Ibraahim
Rashiid Cumar Diiriye
Cumar C/Laahi Handi (Shinbir)
Maxamed Isaaq
Yaasiin Juliyaan
Xasan Yuusuf Wadaad
Prof Ismaciil Yusuf Ismaacill
Qaasim Daahir Cilmi
Abiib Xaamud Jibriil
Cali Xaamud Jibriil
Saleebaan Cigeh
Mukhtaar Cigeh
C/Raxmaan Cilmi Arbe
Maxamed Cali Ibraahim
Saciid X Daahir Cilmi
Xaamud Cali Cilmi
Maxamed Abdilaahi Ismaacill


Hassan Cali Ibrahim
Ottawa - Kanada

No comments: