Thursday, January 24, 2008

Axmed Siilaanyo Oo Dhaliilay Aqoonta Madaxweyne Rayaale Ee Hab Dhaqanka Dawladadaha iyo Diblomaasiyadda

(Waridaad) - 'Safarkii uu Madaxweynuhu ku tagay Maraykanka, markii uu la kulmay Mrs. Jendayi Frazer, waxa soo baxay war uu soo daayay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka kaas oo uu ku sheegay inaanay waxba iska bedelin fikirkii Maraykanka ee Somaliland, madaxweynuhuna hadalkiisii uu warbaahinta kula hadlay wuxuu ninkaas ku tilmaamay inuu ahaa nin hoose. Markaas ninkaas Afhayeenka ah sidee ayay kuula muuqataa?Waxay ila tahay Madaxweynaha diblomaasiyadda wax weyn baa ugu dhiman, Madaxweynaha wax weynbaa diblomaasiyadda adduunka ugu dhiman. Nin la baxay magaca Afhayeenka oo dawlad dhami u diratay, isagu meesha uma dhiiban oo ninku inuu qiimo leeyahay ma qiimayn kare dawlad dhan ayaa ka dhigatay Afhayeen oo af dawladeed ayuu ku hadlayay, afkii dawladda Maraykan ayaanu ku hadlayay, markaas inuu yidhaahdo umuu hadlayn dawladda Maraykanka waxay muujinaysaa garaadkiisa siyasadeed iyo aqoonta uu u leeyahay dhaqanka duwaliga ah, halka ay ka taagantahay ayay aad u muujinaysaa waana ayaan darro'.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si adag u cambaareyay manhajka waxbarashada fasalka siddeedaad ee dugsiyada Somaliland oo gebi ahaanba laga reebay taariikhdii SNM.Md. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in arday tiro badan oo ciyaal iskuul ah la qoray shaqada basaasnimada.

Md. Siilaanyo, waxa uu arrimahaas iyo kuwo kale oo ku saabsan safarkii Madaxweyne Rayaale kaga hadlay waraysi ay xalay la yeelatay Idaacadda Madaxabanaan ee Radio Horyaal kaas oo u dhacay sidan:.......Sii Akhri

No comments: