Thursday, January 24, 2008

Qaran-Press Release

(Waridaad) -Shir jara'id oo maanta madaxda sare ee Ururka Qaran ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen in Madaxweyne Rayaale xukuumadiisu noqotay mid aan qadarin shuruucda qaranka, dhistayna xukuumad-caskari (police state) oo cabsi-gelin iyo amar-ku-taaglayn arrinkeedu yahay. Iyagoo hadalkoodii sii wada waxay sii raaciyeen in "Waxa ayaan-darro ah, sida ka muuqata oraahdan, in Madaxweynuhu yahay garsoorkii iyo sharci-dejintii dalka, dhacdadaan oo kuu muujinaysa inay meesha ka maqan tahay kaalinta Hay’adihii kale ee Qaranka ee is-ilaalin lahaa, isna dheeli-tiri lahaa (check and balance Institutions), kuwaas oo mudo dheer aanu la hor-tubannahay codsiga cabashadayada, wax jawaab ahna ay na siin kari la’yihiin."

Hargeysa, 23/01/2008

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Madaxweynuhu isagoo ogsoon in Qodobka 23aad ee Dastuurka iyo dhammaan Xeerarka Doorashooyinka dalka, sida Xeer Lr. 14/2000 iyo Xeer Lr. 20/2001, ay dhaqan-gal yihiin, qeexayaanna in muwaaadiniintu xor u yihiin inay isu habayn-karaan Ururo Siyaasadeed, kana qayb-geli karaan doorasho kasta ee Golaha Deegaanka;

Madaxweynuhu isagoo ogsoon in seddexda Xisbi Qaran ee ku meel-gaadhka ah, waqatigoodii dhammaaday, kuna cadahay isla Xeerarkaas kor ku xusan inay doorashooyinka dawladaha hoose ku wada tartamayaan Xisbiyada iyo Ururadu;

Madaxweynuhu isagoo ogsoon in nidaamka siyaasadeed ee JSL saldhig u yihiin Dimuqraadiyada iyo Hannaanka Xisbiyada badan, habkaas oo fursad u siinaya in hogaan wanaagsani ka soo dhex-bixi karo bulsahada dhexdeeda;

Madaxweynuhu isagoo ogsoon in bulsho-weynta caalamka ee danaynaysa S/land fiiro gaadh ah siinayaan sida ay u kobcayso Dimuqraadiyadda curdinka ah ee ka hanaqaaday S/land, diyaarna aanay u ahayn dalalka deeq-bixiyeyaashu inay dhirigeliyaan nidaam keligi-talis, kaas oo loo aanayn karo masiibooyin baaxad-weyn ee ka dhacay dunidan;

Madaxweynuhu isagoo ogsoon intaa iyo weliba cuwaaqib-xumidida ka dhalan karta sida badheedhaha ah ee uu u daadafeynayo shuruucda dalka, ayey nasiib-darro, u arkaan isaga iyo inta yar ee ku xeerani inay sidaa ugu badindoonto.

Madaxweynuhu wuxu ku celceliyaa mar kasta oo uu la hadlayo saxaafadda:“In Ururka Qran yahay sharci-darro, dalkana ay weligood ka jiri-doonaan seddexdan Xisbi (Udub, Kulmiye iyo Ucid) oo keliya iyo in aan dalka fawdo laga ogoleyn, damaacigooda siyaasadeedna u maraan wadada sharciga, kuna hanjabo in cidii baalmarta sharciga lagu abaal-marin doono ciqaab adag”.

Waxa ayaan-darro ah, sida ka muuqata oraahdan, in Madaxweynuhu yahay garsoorkii iyo sharci-dejintii dalka, dhacdadaan oo kuu muujinaysa inay meesha ka maqan tahay kaalinta Hay’adihii kale ee Qaranka ee is-ilaalin lahaa, isna dheeli-tiri lahaa (check and balance Institutions), kuwaas oo mudo dheer aanu la hor-tubannahay codsiga cabashadayada, wax jawaab ahna ay na siin kari la’yihiin.

Waxa hubaal ah in maamulka maanta dalka ka taliyaa uu ka weecday jidkii dimuqraadiyadda, wada-hadalka , is-qancinta iyo isu-dulqaadka, doorna-biday inuu laalo qadarintii shuruucda qaranka, dhistayna xukuumad-caskari (police state) oo cabsi-gelin iyo amar-ku-taaglayn arrinkeedu yahay.

Waxa Urur Qaran himiladiisu tahay dal xor ah oo qofka karaamadiisa, xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisu sugan yihiin, nabad iyo wax-wada-qabsina kula noolaada umadaha kale. Dhibaatooyinka baaxadda leh ee saameeyey dadkeena sida:-

1) Maamul-xumida iyo musuq-maasuqa baahsan.
2) Shaqo la’aanta guud ee kalliftay inay kumanaani u haajiraan dalal shisheeye, halaaga naftoodana (badaha iyo saxraaga) ka doorbiday rajo xumida taal dalkooda
3) Saboolnimada iyo sixir-bararka aafeeyay bulshada inteeda badan, halka qoysaska madaxdooduna ku jiraan ladnaansho u gaadh ah.
4) Cabudhinta saxaafadda iyo Hay’adaha xuquuqul-insaanka iyo weliba ku tumashada xorriyaadka asaasiga ee muwaadiniinta oo maraya heer warwar leh.
5) Hab-dhaqanka macangaga ah ee Xukuumadda ee aan ogolayn talo iyo tusaalooyin toona, islana quman had iyo jeer, taasoo muujinaysa marnaanshaha milgaha siyaasadda.

Marxaladdaas adag ee uu dalku marayo, xalkeedu waxa uu noogu muuqdaa in la helo isbedel siyaasadeed iyo hogaan wanaagsan, taas oo lagu gaari karo inay dalka ka qabsoomaan waqtigii loo qoondeeyey doorashooyin xor oo xalaal ah, si ummadu u dhiiban karto codka rabitaankooda.

Inkastoo ay jiraan ifafaalooyin badan oo muujinaya mugdi ku gedaaman hab-dhaqanka xukuumadda ee ku aadan doorkeeda, hadana waxaanu umaada ku baraarujinaynaa inay u guntadaan sidii looga dhabeyn lahaa himiladaas masiiriga ah, tass oo ah dariiqa keliya ee uu ku imaan karo isbedel nabadeed ee lagu wada qanci karo.

Ururka Qaran wuxuu sii wadayaa halgankiisa, isagoo u maraya wadiiqa kasta ee aan ka hor-imaanayn shuruucda dalka, waxna yeelayn nabadda, xasiloonida iyo wada jidhka umadda.

Wa billaahi tawfiiq,

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose

Gudoomiyaha Ururka Qaran

qaransomaliland.com

No comments: