Wednesday, January 02, 2008

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo galabta ka soo laabtay Xajka


(Waridaad) - Guddoomiyaha xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE, Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta ku soo laabtay dalka, kadib markii uu soo gutey waajibaadka Xajka oo uu u tegey dalka Sucuudi Carabiya.

Guddoomiyaha, Xaaji Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaa ku soo dhoweeyey madaarka caasimadda Hargeysa galabta, Kusimaha Guddoomiyaha Xisbiga, Mr. Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ay weheliyeen xubno door ah oo ka tirsan siyaasiyiinta hoggaanka xisbiga KULMIYE, Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, mudane Cabdulcasiis Maxamed Samaale, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo dad kale oo isugu jira xubno ka tirsan xisbiga iyo taageerayaal.

Guddoomiyaha xisbiga, mudane Axmed Siilaanyo oo la hadlay suxufiyiin iyaguna madaarka ku sugayey, waxa uu ka cudurdaartay inuu wax war ah bixiyo iyo inuu ka hadlo siyaasad, hase yeeshee, waxa uu salaan u diray shacbiga Somaliland, isaga oo Illaahay uga baryey in sannadkan cusub uu noqdo mid badhaadhe iyo nabadgelyo ay ku dhammaystaan. Waxa kale oo uu ka hadlay Xajka oo uu sidoo kale Illaahay ka baryey inuu noqdo Maqbuula ama mid la aqbalo.

“Waxaan tagnay Xajka, waxaanu soo gudaney waajibaadkii Xajka. Illaahay waxaan ka baryayaa inuu noqdo Maqbuula,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Waxana uu sheegay in Xajku sannadkan uu aad u ballaadhnaa, marka loo eego sannadihii horena khasaaruhu uu aad u yaraa, taas oo uu ku sababeeyey adeegga Xajka oo la horumariyey, isla markaana la hagaajiyey meelihii dadku isku cidhiidhyi jirey ama isku jiidhi jirey. Waxana uu ku ammaanay dowladda Boqortooyada Sucuudiga ee maamusha ka ah Xajka dedaalka ay ugu jirto horumarinta adeegga Xajka.

Xaaji Axmed waxa uu sheegay inkasta oo Xajku uu sannadkan aad uga duwanaa sannadihii hore in haddana meesha ay isugu yimaaddeen Malaayiinn qof oo dunida dacaladeeda ka kala yimi aanay hawl yarayn, isla markaana uu jirayo cidhiidhi iyo waxyaabo kale. Hase yeeshee, waxa uu yidhi, “Hawl yari Jannada laguma helo, markaa kolley waxa loo marayaa wax fudud maaha.”
Dhinaca kale, Xaaji Axmed waxa uu sheegay in aanu wax siyaasad ah ka hadlayn.

No comments: