Tuesday, January 01, 2008

Prof. A. Samatar oo Qiray Xaqa Madaxbannaanida Somaliland - Maxaa isbadalay ee uu arkay Ina Samatar?

(Waridaad) - Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan wax ka dhiga jaamacad ku taal dalka Maraykanka, isla markaana ka mid ah shaqsiyaadka tirada yar ee saadaasha ka bixiya isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dunida, ayaa ifafaalaha saadaasha sannadka cusub ee 2008 waxa uu ku muujiyey aragtidiisa ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.
Prof. Samatar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse in muddo ah ku suntanaa shaqsiyaadka sida weyn uga soo horjeeda qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanayey oo Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaligu la yeelatay shalay, waxa uu markii u horreysay qiraal ka bixiyey fikradaha bud-dhigga u ah goonni-isu-taagga Somaliland ee inta badan ku doodaan siyaasiyiinta shacbiga reer Somaliland ee ay go’an tahay qaddiyadda madax bannaanidu.
Aqoonyahanka Axmed Ismaaciil Samatar oo badi dadka reer Somaliland ku barteen doodaha lagaga soo horjeedo madaxbannaanida dalkooda ee uu ka jeediyo warbaahinta dunida, gaar ahaan Idaacadda BBC-da, ayaa isaga oo ka garaabaya aaraahda horumarka Somaliland ku tallaabsatay waxa uu yidhi; “Dadka reer Somaliland gar bay u leeyihiin, marka laga hadlayo Soomaaliya dooddooda ah; ma waxaannu u dabranaanaa dal aan jirin? Waayo, marka ay noqoto arrinta dawladda Soomaaliya waxay tahay Ra’iisal-wasaaraha waxa leh Abgaal [Hawiye].

Sidaa markay tahay oo iyana halkaa marayaan waxa la odhan karaa xaq iyo gar bay u leeyihiin reer Somaliland.”Waxa kale oo Prof. Samatar sidii caadada u ahayd gebagebada hadalkiisa ku soo afjaray heestii uu u xushay sannadka cusub ee 2008, heestaas oo midhaheeda laga dhadhansan karo isbeddel siyaasad oo u qorshaysan inuu ku qaabilo sannadka cusub, taas oo marka la barbardhigo kuwii sannadihii hore la odhan karo waxa la soo deristay hilow shaqsiyadeed uu u qabo dalkiisa hooyo ee Somaliland.

Midhaha heesta uu xushayna waxa ka mid ah:

Taan u jiidh go’ay

Waa jacaylkaayee

Alla jannooy Aawadaa ma jiifsado.

Xigasho: Togdheernews

No comments: